bilo
(Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3)(bishay, bilatay) Bil dhalasho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh bilo ↴
da' [m.dh]
1. ld da'aad. Inta sano, bilo, maalmo
iwm ee nafley jirto laga bilaabo maalintii uu dhashay; cumri. 2. D. ah: qof sanado badan jira; duq. 3. Dad hal casri wada nool. duq, da'aad
daabad [m.l]
Ninka tababbarka bilowga ah qaatay xagga ugaadhsiga, welise aan heer
fiican gaarin.
qaabbilo [m.dh]
Maalinta uu dirirku la fadhiyo
dayaxa oo dadku aaminsan yihiin in ay tahay
maalin cawo leh.
maalmadoone [m.l]
Bisha afaraad ee bilo-dayaxeedka sanadka soomaaliga.
ur [m.dh]
1. Dabayl lixdii bilood doc ka timaadda; neecaw; dabayl. 2. Dhanka dabayshu ka dhacayso. 3. ld ur¹.
uurjiif [m.l] (-fyo, m.dh)
(baay.) Heerka ugu horreeya ee koritaanka xayawaanka, laga soo bilaabo marka ugxanta bacrintay ay bilowdo inay qaybsanto, iyada oo ku jirta organnada taranka ee hooyada ilaa ay ka dillaacayso ama ka dhalanayso.
waaray [m.l]
Nooc ka mid ah mariidka oo laga isticmaalo meelaha uu ka soo bilowdo webiga Shabeelle iyo agagaarka magaalada Iimey. Qubleey, maanyo, manyiikay, libin.
aboor [m.dh]
Waxar ayadoon naaskii hooyadeed ka go'in biyo-cabbid bilowday.
af [m.l]
(afaf, m.l) 1. Xubinta nafleydu ay wax ku cunto oo bushimaha, carrabka iyo ilkuhu ay ku yaalliin. 2. Dhinaca ay middidu wax goyso. 3. Waddo, tog, xarig iwm dacalka ay ka bilowdaan. 4. Wax guda leh meesha wax looga shubi ama gelin karo. 5. A. leh: sida fiican ee birta la adeegsadaa wax u goyso.
ari [m.l]
Nooc ka mid ah meesiyada la dhaqdo, ku dhala shan bilood, had iyo jeer la nool xaaska oo ka kooban riyo iyo ido. ld eri¹ (1).