ballac
(m.l) (-cyo, m.dh)

Wax jir leh saddexdiisa cabbir (dherer, ballac, qoddo) midkood. ld ballaar.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ballac

ballaar [m.l]
ld ballac.

ballaaran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
1. Wax ballac weyn leh ahaansho. 2. Wax waasac ah ahaansho (dhul, weel iwm).

ballaari [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax, wax ballac leh ka dhigid. 2. Wax, wax waasac ah ka dhigid.

ballaarso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
1. Dhul iwm cabbirkooda kordhisasho. 2. Wax ballaciisa weyneysasho.

dooxada rift [m.dh]
(juqr.) Waadi ka samaysmay lab dillaac oo barbarro ah dhulka u dhexeeya oo hoos u degay. Dooxadaasi aad bay u dheertahay marka la fiirsho ballaceeda. Tusaale loogu aqoon ogyahay waa dooxada rift oo kala fidsan iyadoo dhexmaraysa Suuriya, Israil, iyo Jordan, iyo bariga Afrika, dherer keedu wuxuu ka badanyahay 4.800 km. (3,000 mayl).

gidaar [m.l] (-rro, m.dh)
Dhisme ballac leh, dhagax, shamiinto, iwm ka samaysan, oo wax celiya, ama waxyaabo lagu kala qoqobo; derb.

histoogaraam [m.l] (-mmo, m.dh)
(xis.) Muujin garaafeedka ee 'data'kooxaysan, ama garaf bedeed leh ballacyo saamiggal la ah doorsoomaha ku yaalla dhidibka jiifa iyo rakaadyada ku yaalla dhidibka taagan.

kob [m.dh] (-bo, m.l)
1. Meel kooban oo la tilmaami karo. 2. Daliigo caw laga falkiyey oo dhaadheer ballacooduse yaryaryahay oo kolkii laysku toltolo dermada noqda middood. 3. Meel geedo dhaadheer leh oo hareeraha ka bannaan. 4. ld kab².

mawjad-gaaban [m.dh] (-o gaagaaban, m.l)
(juqr.) Hirar ballac yar oo abuurma marka cufisjiidadka qorraxdu uu lid ku noqdo si xagal quman ah kan dayaxa.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg