dhibco
(m.dh)Hilib cadad yar yar laga dhigay oo muqmaddana ka waaweyn; suqaar.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhibco ↴
yeeg-bibiish [m.l] (-iyo, m.dh)
Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talag-galay dhinac hal dhibic ku leh, dhinaca kale-na shan dhibcood. ld banji-biyeeg, biish-biyeeg, yeeg-bibanji.
yeeg-bidooh [m.l] (-hyo, m.dh)
Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talag-galay dhinac hal dhibic ku leh, dhinaca kalena laba dhibcood ku leh. ld dooh-biyeeg.
yeeg-bijoohaar [m.l] (-rro, m.dh)
Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talag-galay dhinac hal dhibic ku leh, dhinaca kalena afar dhibcood ku leh. ld joohaar-biyeeg.
yeeg-bisaliim [m.l] (-mo, m.dh)
Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talag-galay dhinac ku leh hal dhibic, dhinaca kalena saddex dhibcood ku leh. ld saliim-biyeeg.
yeeg-bishiish [m.l] (-shyo, m.dh)
Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talaggalay, dhinac ku leh hal dhibic, dhinaca kalena lix dhibcood. ld shiish-biyeeg
astaamayn [m.dh]
(nax.) Astaamo lagu kala qaybiyo hadal qoran sida: hakad, joogsi, kolmo, bilo, laba dhibcood iwm.
baatad [m.dh]
Marka labada dhan ee iska soo horjeeda ay dhibco isla 'eg qabtaan (cayaar turub); doroo. ld baaddad.
banji-bicaddaan [m.l] (-nno, m.dh)
Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu cayaaro dhinac ka cad, dhinaca kalena ku leh shan dhibcood. ld caddaan-bibiish.
banji-bidooh [m.l] (-hyo, m.dh)
Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu cayaaro dhinac labo dhibcood ku leh, dhinaca kalena ku leh shan dhibcood. ld dooh-bibanji.
banji-bishiish [m.l] (-shyo, m.dh)
Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu ciyaaro dhinac shan dhibcood ku leh, dhinaca kalena lix. ld biish-bishiish, shiish-bibanji, shiish-bibiish.