jirin
(m.f.dh)eeg jiri.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jirin ↴
aal [m.dh.fk]
Aashay, -aa, -iis iwm: si aan degdeg iyo fudayd toona ku jirin; aayar, tartiib, qunyar. Tusaale. “Ciise aashiis buu hadlaa”. aayar, tartiib, qunyar
na [mu.dhm.ly]
Magacuyaal layeele oo tilmaamaya qofka koobaad ee wadarta ah, oo kuwa lala hadlayaa aanay ku jirin. Tus.
“Idinkaa na siiyay buuggan”.
baabbah [m.dh]
1. Noqoshada wax uu eber
noqdo. 2. Baabbah ah: weel aan waxba ku jirin.
3. Baabbah ah: meel aan waxba oollin.
kaad [m.dh]
Habeen aan dhaxani jirin.
maaddiyad [m.dh]
(fals.) Fikrad falsafadeed oo
aammisan in adduunka aan jirin wax aan
maaddo ahayn.
eebbe [m.l]
Sarreeyaha awoodda leh oo wax kasta abuura oo weligiis jirey, jirina doona; Ilaah; Rabbi; Guulle; waaq; madhinte; weyne. ilaah, rabbi, guulle, waaq, madhinte, weyne
gaalis [m.l] (-syo, m.dh)
(xis.) Urur tirooyin ah ama baro ah oo ku yaalla habdhis kulan oo qeexaya dhammaan qiimayaasha u dhexeeya laba bar dhammaad. Haddii labada bar dhammaad ay jiraan g.ka waa gaalin oodan, haddii an ku jirinna waa g. furan.
gaalis-furan [m.l] (-syo ..., m.dh)
(xis.) Urur ka kooban tirooyinka u dhexeeya laba tiro oo la isa siiyey oo aan ku jirin bar dhammaadyada. G.ka f. ee u dhexeeya laba tiro oo maangal ah a iyo b waxa loo qoraa (a,b). Marka g.ka f. lagu muujinayo xarriiq tiro bar dhammaadyada goobo ayaa la geliyaa.
raaqraaqin [m.dh]
Siima raaqraaqin: siima jirin, siima noolaan.
saafi [m.l]
1. S. ah: wax nadiif ah oo aan wasaqi ku jirin. Tus. “ Cali wuxuu keenay malab saafi ah”. 2. Saafinnimo. 3. Nooc kalluunka ka mid ah.