aleelaysnaan eeg aleelaysan. ld aleelaysnaansho.
aleelaysnaansho ld aleelaysnaan.
aleelee Wax aleel ku qurxin.
aleemi Aleen ka dhawaajin (geel).
aleemin eeg aleemi. ld aleemis.
aleemis ld aleemin.
aleen Koor yar oo geela loo xiro.
alfaan eeg alif (4).
alfiyoole (c.nafl.) Kiish yar oo ka samaysan xuub khafiif ah, oo ay ku daboolanyihiin tintaafyo wada shaqaynaya oo ku yaalla dhammaadka faracyaraha hunguriga oo neefsashada sambabadu ka dhacdo dushiisa. Sambabku waxa uu leeyahay alfiyoole fara badan. Alfiyoolayaasha ku jira sambabka aadanaha waxa bedkiisa lagu qiyaasay inuu yahay 100 mm.
algoordan (xis.) Urur qaanuunno ah oo hagaag u qeexan, loona adeegsado furfirista mas'alad iyada oo la qaadayo tallaabooyin tiradoodu koobantahay.
alhuumo Dhibaato weyn; belo.
alif 1. Xarafka ugu horreeya farta Carabiga. 2. Alifba'. 3. Astaan alifka u eg oo xoolaha lagu sunto. 4. (alfaan, m.dh) Darajo la siiyo sarkaalxigeenka.
alifaatig (kiim.) Iskudhis orgaanig ah oo ah alkeyn, alkiin, ama alkayn iyo faracooda. Iskudhisyada alifaaligga ah badidoodu waxay leeyihiin dhis silsilad furan, hasayeeshe qaarkood, sida saykalohigseyn iyo sukurows, waxay leeyihiin giraamo.
alifba' Xuruuf af lagu qoro oo ka kooban shaqallo iyo Shibbanayaal; alif. ld alif.
alifle Qof ciidanka qalabka sida ka mid ah oo darajadiisu hal alif tahay.
alifley 1. Carruur dugsi ku jirta oo alifka dhigata. 2. Ciidamada inta alif sidata.
aliil (baay.) Mid ka mid ah muuqaallada talantaalliga ah ee hiddo side. Noolayaasha badankoodu waxay leeyihiin laba aliil oo midba hiddoside ka yimid (midba waalid ka yimid), kaas oo ku jira koromosoomyo iskumid ah. Hal aliil badanaa waxa uu shiiqiyaa ka kale oo loo yaqaan shiiqsane, kaas oo ay ka baxaan astaamaha u gaarka ah noolahaas.
aliindi Dhar gacanta lagu sameeyo, adag, midabbo iyo noocyo badan leh, oo Soomaaliya lagu sameeyo. ld iliindi.
aljebra (xis.) Laan ka mid ah xisaabta oo lagu barto habdhisyada tirooyinka iyo astamahooda guud ahaan. Waxa la adeegsadaa xuruufo ama summado u taagan xaddiyada, iyo astooyin u taagan iskuxiridda xaddiyada ama tirooyinka.
alji (baay.) Qayb badan oo ka duwan dhirta yar yar, hase yeeshee cagaariye leh (footoosintasis) cuntadiisa ku samaysan kara, kuna nool sabo biyood iyo dhulka saxansaxada leh. Geedkani waxa uu noqon karaa hal unugley ama unugyo badane. Isaga oo yeelan kara qaababkan: miiqaq, wareegsan ama saxan u eg. Aljiga hadda looma aqoonsana koox abla-ablayneed, inkastaoo mararka qaarkood la raaciyo noolayaasha hoose ee boqortooyada borotista. Inta badan haddaba, kooxaha boqortooyadan waxa loo aqoonsanyahay qaybaha abla-ablayneed.
alkaali (kiim.) Beys xooggan oo biyaha ku milma. Ereygani wuxuu tilmaamayaa haydarogsaydhada biraha alkali (ururka I) oo keliya, hasayeeshee sida caamka ah waxaa loo isticmaalaa beys kasta oo milma.
alkahool (kiim.) Iskudhis orgaanig ah oo ka kooban hal ama in ka badan oo haydaroogsayl (-OH). Alkahoolladu waa haydaroogsi laga soo dhirandhiriyey alkeynnada. Waxay sameeyaan taxane isku mid ah C H n+1. H. Alkahoollada waxa lagu kala sooci karaa dabeecadda kaarboon atamka ay ku dhegsanyihiin.
alkayn (kiim.) Koox ka tirsan haydarokaarboonnada aan dheregsanayn; loona yaqaan sitayliinno. Waxay wadaagaan naanaysta guud ee C H-na waa abyoone.
alkeyn (kiim.) Nooc haydarokarboon ah oo leh naaneysta guud ee C H . Alkeynadu waa iskudhisyo baahan.
alkiin (kiim.) Nooc haydarokarboon ah oo leh naaneysta guud ee C H . Alkiinada (oo hore loo oran jiray olifiino) waa iskudhisyo aan dheregsaneyn oo leh dabar lammaan oo kaarboon-kaarboon ah.
alkohooliisam (daaw.) Xaalad bukaansho ka timid u barashada aalkohoolka ee qofka, taas oo haddii si kadis ah looga joojiyo keeni karta calaamado: sida gariir, xasilloonila'an, halluujineeshinis iyo qalbi jab.
alkuman1 Wax la alkumay noqosho (gabar). alkuman2 Wax la alkumay ahaansho (gabar). alkumasho eeg alkumo.
alkume 1. Abuure ah, wax uuma. 2. Iilaah.
page : 39 of 75
<< < 34 35 36 37 38 39 40 41 42 43 44 > >>