Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: dabaylwac
darankutaal  Nooc daranta ka mid ah.
daranmadow  Nooc daranta ka mid ah, gaagaaban, oo midabkeedu madowyahay.
daranyo  Dacdarro.
daranyoo  Dacdarro la kulmid.
daranyood  eeg daranyoo.
darar1  1. Caano badan oo candho xoolaad ku yaal. 2. ld dararid. darar2  Neef xoolo ah candhadiisa caano badan ka muuqasho. darari  Neef xoola ah nafaqo uu ku dararo siin.
dararid  eeg darar². ld darar¹ (2).
dararin  eeg darari.
dararsasho  eeg dararso.
dararso  Neef xoolo ah darar ka maalid.
daras  Qof boorane ku kacsanyahay oo aan weli laga tumin.
darasho  eeg daro².
darato  Cudur halis ah sambabada idaha ku dhaca oo diif iyo qufac badan leh.
darax  D. ah: markab ama doon aan waxba saarrayn.
daray  Geed weyn, ka baxa biyamareennada iyo qararka webiyada oo miro waaweyn, macaan oo la cuno leh; mukay.
darayn  eeg daree.
darbaal  Maro weyn, adag oo baabuurta aqallada iwm roobka looga dado; shiraaq.
darbad  1. Dabayl xoog leh oo ka dhacda badda. 2. Xumad badan. 3. ld darbo¹.
darbadayn  eeg darbadee.
darbadee  Laadid (kubbadda cagta).
darban  1. Wax diyaar ah ahaansho. 2. Wax aleel lagu qurxiyey ahaansho.
darbanaan  eeg darban. ld darbanaansho.
darbanaansho  ld darbanaan.
darbasho  eeg darbo².
darbayn  eeg darbee.
darbee  1. Kubbad si xoog leh u laadid. 2. Khayaano faa'iido weyn ku helid.
darbi1  ld derbi. darbi2  Cunto la iidaamay gacanta ku cunid. ld sarbi.
page : 52 of 218
<< < 47 48 49 50 51 52 53 54 55 56 57 > >>

 

Exit mobile version