harqaamo Maro iwm tolasho.
harqaan (1) 1. Dhul beereed, aan carro madow ahayn, ee dhagxaanta iyo carro guduuddu ku badantahay, oo dhulka adablaha ah xagga dhagaxa ka xiga. 2. ld kharqaan, sharqaan. Makiinad dharka lagu tolo.
harqaan (2) Dhar makiinad ku tolid.
harqaanle Qof dharka makiinad ku tola. ld kharqaanle, sharqaanle.
harqaboobe Galab ama subax marka qorraxdu gaabantahay.
harqad 1. Gabal maro ah. 2. Galka barkinta. 3. ld harqasho.
harqasho eeg harqo. ld harqad (3), hirqad, hirqasho.
harqi 1. Cid biyo ku hafin. 2. Cid wax aad uga dhergin. 3. ld hirqi.
harqin eeg harqi. ld hirqin. ld harqis.
harqis ld harqin.
harqo 1. Nafley biyo ku hafasho. 2. Nafley wax aad uga dhergid. ld hirqo.
harqood Qalab ay jiidaan laba dibi oo beeraha lagu falo.
harqoodaal Harka galabtii walxaha iyo nafleydu yeeshaan.
harraad (1) Baahi biyo loo qabo.
harraad (2) Biyo u baahasho.
harraadan 1. Wax harraad hayo ahaansho. 2. U h.: Wax, wax aad u jecel ahaansho. ld harraadsan.
harraadbeel (1) Cabidda la cabo wax oonka bi'iya.
harraadbeel (2) Wax harraad ku ba'ayo cabbid.
harraadbeelid eeg harraadbeel².
harraadi Nafley harraad badid.
harraadid eeg harraad².
harraadin eeg harraadi.
harraadnaan eeg harraadan. ld harraadnaansho, harraadsanaan, harraadsanaansho.
harraadnaansho ld harraadnaan.
harraadsan ld harraadan.
harraadsanaan ld harraadnaan.
harraadsanaansho ld harraadnaan.
harraadtir Nafley wax harraad ka bi'iya siin.
harraadtirid eeg harraadtir.
harraan Cayayaan lix lugoodle ah, dalalka kulul ku nool, oo dib sun xambaarsan oo uu wax ku qaniino leh. ld hanraar, harraar.
<< < 712 713 714 715 716 717 718 719 720 721 722 > >>