Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: tartabo
hoggaanshe ld hoggaamiye.
hogmacdan Godka macdanta laga qodo.
hogo (1) Roobka ugu horreeya ee xilliga guga ama dayrta kulaylka ka dhasha.
hogo (2) Nafley meel is tubid.
hogob Dhul hooseeya oo dhir badan leh.
hogocraac ld hogolraac.
hogocraacid ld hogolraacid.
hogof Iin luguhu la qalloocdaan oo ay isku soo jeestaan.
hogoggoli 1. Wax isku laabid. 2. Arrin go'aan ka gaarid.
hogoggolin eeg hogoggoli.
hogol 1. Daruur. 2. Sayn roob ah oo meel ka curtay.
hogolraac Meel roob ka da'ay u guurid; roobraac. ld hogocraac.
hogolraacid eeg hogolraac. ld hogocraacid.
hogoraacid eeg hogoraac.
hogotusaalee Arrin xaqiiqdeeda wax ka sheegid. ld hogatusaalee.
hogotusaaleyn eeg hogotusaalee. ld hogatusaaleyn.
hoh Erey yaabka iyo baqdinta iyo xanuunku ay dadka ka soo saaraan; hoyey!, caku!, hah!.
hohob (1) Kabdaha nooc ka mid ah.
hohob (2) 1. Geed aan qodax lahayn oo miro la cuno oo macaan bixiya una eg gomoshaaga. 2. (w) Miraha geedkaas.
hoji 1. (f.g) Wax socda joojin. 2. (f.mg) U h.: cid wax u jeedsiin.
hojin eeg hoji. ld hojis.
hojis ld hojin.
hol Wax isku dayid; tijaabin.
holac (1) Kulayl; dab; olol; holoc.
holac (2) (daaw.) Xaalad cudur oo ka timaadda falgal jirku kaga hortagayo dhibaato dibedda uga timid, waxay xaaladdaasu noqon kartaa: mid muddo gaaban ama mid muddo dheer. H.a muddada gaaban waa falgal difaac oo deg-deg ah oo ay soohyadu kaga hortagaan dhibaato ka timaadda: jermi nool, walax kiimikaad ama fiisikaado. Astamaha: xanuun, kul, casaan, barar iyo hawl gab. Xididdada dhiiga ee goobta waxaasi ka dhacayaan way dabcayaan oo ballaaranayaan sidaas darteed socodka dhiigga waa ku badanyahay goobtaas. Unugyada cad-cad galaan soohyada waxayna bilaawaan in heeraaryeeyaan baktiiriyada iyo waxyaabaha dibedda ka yimid soohyada waxay cunaan wixii dhintay oo way nadiifinayaan marar waxa sameysma malax waxaana bilowda biskood.
holac-cad-hunguri (daaw.) Halaamacood hunguriga cad oo neeftu marto sida badan ka yimaada infekshin marka hore ku dhaca cunaha iyo sanka, oo ay keeneen fiirus ama baktiiriya. Cudurku wuxuu keena xanfaf laabta hoose, qufac xanuun leh, waxaa aalaaba weheliya dhuun-neef-holac (bronchites).
holac-dulul (daaw.) Halaamacoodka mid ama ka badan ee dulalka agagaarka sanka ku yaal oo hawadu ku jirto.
holac-kaadihays (daaw.) Halaamacoodka kaadihaysta, inta badan waxa keena baktiiriyada “escherichia coli”. Astaamo: kaadirabid badan, kaadi gubid iwm.
holac-kaadimareen (daaw.) Halaamacoodka kaadi mareenka cadkiisa hore, waxaana sida badan keena jabti (specific urethritis), ama infekshin ka yimaada cudurrada galmada (nonspecific urethritis).
holac-kiishyaro (daaw.) Halaamacoodka kiish yar oo ka sameysma hunguriga iyo xiidmaha. Marka ay xiidmaha ka sameysmanto waxay keentaa; xanuun uurkujirtada hoose, shuban ama calool joogsi.
<< < 742 743 744 745 746 747 748 749 750 751 752 > >>

 

Exit mobile version