Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qaqaan
hoosiman  Wax hoosin loo yeelay ahaansho (guro awr).
hoosimasho  eeg hoosimo.
hoosimo  Guro awr hoosin u yeelasho.
hoosin1  eeg hoosi. hoosin2  Dallaallimo awrka guradiisa carruurta iyo waxaraha loogu sameeyo. hoosinnaan  eeg hoosiman. ld hoosinnaansho.
hoosinnaansho  ld hoosinnaan.
hoosjoog  Cid ku hoos noolaansho.
hoosjooge  Qof dad kale ka hoos shaqeeya.
hoosjoogid  eeg hoosjoog.
hooskalla'  Qof u muuqda inuu wanaagsanyahay oo aan wax tar lahayn. ld hoosgalla'.
hooskatuur  Colaad yar oo dad ka dhexeysa.
hooskuhar  ld hoosaharre.
hoosmari  Wax, wax kale hoostooda dhigid.
hoosmarin  eeg hoosmari.
hooso  1. Dhis yar oo la harsado. 2. Meel dhisan oo hawl lagu qabto; garaash.
hoosubbax  Qof bar yar oo da'du aysan ka muuqan.
hootanuug  Ilmo geel, yar, oo aan hooyadiis laga maalin.
hooto  1. Waran oo lagu dagaallamo; eebo. 2. Neef dhashiisa ma ahee dhasha kale nuugto.
hooy  1. War h.!: erey qof lala hadlayo dareenkiisa lagu soo jeediyo; waryaa! 2. Naa h.!: marka qof haween ah lala hadlayo ayaa la adeegsadaa naayaa. 3. Hooyaay!: marka dad badan lala hadlayo ayaa la adeegsadaa waryaadahee.
hooyaalayn  eeg hooyaalee. ld hoobaalayn.
hooyaale  Ereyo lagu luuqeeyo ama lagu heeso, si jaangooyo looga dhigo tixaha gabayga ama heesaha. ld hoobaale, hoobale.
hooyaalee  Hooyaale ku luuqayn. ld hoobaalee.
hooyaay  eeg hooy.
hooyannimo  Hooyo ahaansho.
hooyid  eeg hoo².
hooyo1  eeg hoy. hooyo2  1. Qof dumar ah oo wax dhashay. 2. Erey gacalo. 3. U.j: hooyoy! 4. U.j: wiilkaygiyow!; gabadhaydiyey. hor1  1. Had la soo dhaafay; hore ah. 2. Dhanka loo jeedo. 3. (fk) horta: marka hore, calaakullixaal. hor2  ld horee.
page : 76 of 93
<< < 71 72 73 74 75 76 77 78 79 80 81 > >>

 

Exit mobile version