jimirric (1) Naxariis; turaal; jimiimic.
jimirric (2) U j.: cid naxariis iyo turaal u gelid.
jimirricid eeg jimirric².
jimlad ld jimlo.
jimlee 1. Tiro xisaabeed isku darid. 2. Badeeco jimlo u gadasho. ld jamlee, jumlee.
jimleyn eeg jimlee. ld jamleyn, jamleys, jimleys, jumleyn, jumleys.
jimleys ld jimleyn.
jimleysad ld jimleysasho.
jimleysasho eeg jimleyso. ld jamleysad, jamleysasho, jamleysi, jim-leysad, jimle.
jimleysi ld jimleysasho.
jimleyso 1. Wax si jumla ah u gadasho. 2. Xisaab isku darsasho. ld jamleyso, jumleyso.
jimlo (1) Badeeco isku nooc ah, badan oo laysku iibsado.
jimlo (2) (xis.) Tiro xisaabeed oo laysu geeyey wadarteeda. ld jamlo, jimlad, jumlad, jumlo.
jin (1) 1. Uun Eebbe oo ka duwan malaa'igta iyo Aadamiga, isugu jira caasi iyo caabud oo dadku uusan arki karin. 2. J. ah: wax isla eg. 3. J. ah: Qof dhib badan.
jin (2) Dhudhunka gacanta geestiisa calaacasha xigta.
jinaab Qof hurdaya shahwo sii dayn. ld junow², junub², junuub², junuun².
jinaabid eeg jinaab. ld junoobid, junubid, junuubid, junuunid.
jinaabo Qubays ku waajiba qof shahwo ka timid. ld janaabo, junow¹, junub¹, junuub¹.
jinaad Ballaar; dhumuc; qiro; jurmi.
jinaaso ld janaaso (3).
jinac Cayayaan yaryar oo jaadad badan u kala baxa oo magangooyaha ka yar quraanyadana ka weyn; jirac. ld jirac.
jinaq Bir yar oo qadhabi ah oo ragga gadhmadowga ah cirradu ku siibsiibo.
jinaw 1. Geedquwaax dheer oo cufan, caleen dhanaan oo la cuno leh. 2. J. ah: caano oo dhanaan noqday.
jinbad ld jinbasho.
jinbasho eeg jinbo². ld jinbad.
jinbo (1) Awr madax adag oo aan la xiriiri karin.
jinbo (2) Awr xiriir goosasho; xiriirfuro.
jinfo Bir dhuuban oo gadaal uga jirta samayada waranka.
jinjin ld jijin.
jinjingarayn eeg jinjingaree.
<< < 848 849 850 851 852 853 854 855 856 857 858 > >>