dhakool2 Qof, meel cidla'ah iska taagnaansho ama ka dhisnaansho. dhakoolid eeg dhakool². ld dhakool¹.
dhal1 1. Ubad yaryar oo nafley; dhallaan; carruur; ilmo. 2. Firfir yaryar oo subag ah oo ay yeeshaan caano la lulayo. dhal2 1. (f.g) Nafley rimman ubad dihasho. 2. (f.g) Geed miro iwm yeelasho. 3. (f.g) Caano la lulay subag yeelasho. 4. (f.mg) Ilmo if imaan. Tus. “Wiil baa dhashay”. dhalaad (daaw.) Caddaadka isha birteeda taaso keenta aragga oo xumaada.
dhalaal1 Iftiin indhaha qabto oo ka baxa walxaha qaarkood marka ilays ku dhaco. ld dhalal¹. dhalaal2 1. Muuqaal ifaaya yeelasho. 2. Dareere noqosho (adke). 3. Ka soo dh.: qof, hawl loo xilsaaray sidii la rabey u fulin. ld dhalal². dhalaali Wax dhalaalaya ka dhigid. ld dhalali.
dhalaalid eeg dhalaal². ld dhalalid.
dhalaalin1 eeg dhalaali. ld dhalaalis, dhalalin. dhalaalin2 (fiis.) Dariiqada ama habka adke loogu beddelo hoor iyadoo la adeegsanayo kul iyo cadaadis. dhalaalis ld dhalaalin.
dhalaaliso Qabow aad u xun. ld dhalaalyo, dhalaliso.
dhalaalo 1. Caano iyo subag la isku daro oo carruurta yaryar la siiyo. 2. ld dhalaalyo, dhalalyo. Xanuun ilkaha laga dareemo marka ay la kulmaan wax qabow, macaan iwm. ld dhalalo.
dhalaalyo ld dhalaaliso; dhalaalo.
dhalaandhilo Laba ciddiyood oo qoobabka ariga, lo'da iwm korkooda ku yaal oo yaryar.
dhalaandhuux (bot.) Geed gaab ciinka u eg, aan caleen lahayn, laamo xubno leh yeesha iyo canano indhaha lagu daweeyo. ld dhallaandhuux.
dhalaashan Wax la dhalaalshay ahaansho.
dhalaashanaan eeg dhalaashan. ld dhalaashanaansho.
dhalaashanaansho ld dhalaashanaan.
dhalad 1. D. ah: qof fir wanaangsan ka soo jeeda. 2. ld dhalasho.
dhalal1 ld dhalaal¹. dhalal2 ld dhalaal². dhalali ld dhalaali.
dhalalid ld dhalaalid.
dhalalin ld dhalaalin.
dhalaliso ld dhalaaliso.
dhalalo ld dhalaalo.
dhalalyo ld dhalaalo.
dhalan 1. Dabeecad. 2. Dir, fir, sinji. 3. Muuqal. 4. Caws waaweyn oo aad u dheeraada. 5. Geedo doog leh.
page : 94 of 218
<< < 89 90 91 92 93 94 95 96 97 98 99 > >>