Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: dambeeto
meerkiyuurik-salfaydh  (kiim.) Iskudhis dabiici ahaan ugu jira macdanta sinabaar (adke cas) iyo metasinabar (adke madow).
meerkiyuuroos-koloraydh  (kiim.) Iskudhis ruushi cad ah oo aan ku milmin biyaha (kalomeel Hg Cl).
meerkuri  Hoore bir ah cad cufnaan weyn oo badanaa loo adeegsado heerkulbeegyada. ld meerkiyuuri.
meermeer1  1. Warwareeg aan dani ku jirin. 2. ld meermeerid. meermeer2  1. Warwareeg aan dani ku jirin samayn. 2. Ka m.: wax sameyntooda ka leexleexasho. 3. Ku m.: wax ku dul warwareegid. meermeeri1  Cid wax sugaysay madadaalo aan run ahayn ku waqtiseejin. meermeerid  eeg meermeer². ld meermeer¹ (2), meermeeris².
meermeerin  eeg meermeeri. ld meermeeris¹.
meermeeris1  ld meermeerin. meermeeris2  ld meermeerid. meermeerto  1. Biyo mool ah oo xiis hoos ku leh. 2. Kukta madaxa meesha ay timuhu wareegga ka billaabaan. ld meertammeerto.
meersan  Wax, wax kale ku dulwareegsanyihiin ahaansho.
meersanaan  eeg meersan. ld meersanaansho.
meersanaansho  ld meersanaan.
meersasho  eeg meerso. ld meersi.
meersi  ld meersasho.
meerso  Wax mulkintooda la wareegid.
meertada Kaalfin  (baay.) Tallaabooyinka ka dhaca heerka mugdiga ee footoosintasiska, kaas oo uu yaraado karboonka laba ogsaydhku iyada oo la isticmaalayo haydroojiin la soo saaray heerkii ilayska; lagana sameeyey kaarboohaydaytyo, isla markaana la isticmaalayo tamarta ATP oo iyana samaysantay xilligii ilayska.
meertada kaarboon  (baay.) Silsilad ama dhacdooyin meerto ah, taas oo ah wareegidda kaarboonka ee degaanka iyo noolayaasha. Dhirtu waxay ka qaadataa kaarboon laba ogsaydh gibilka, waxaanay u beddeshaa kaarboonaydraytyo, borotiino iyo dux. Qaar ka mid ah kaarboonka laba ogsaydh waxay dib ugu noqdaan gibilka dhirta waxa cuna daaq cunayaasha, kuwaas oo iyagana ay sii cunaan hilib cunayaashu. Marka ay daaq cunayaasha iyo hilib cunayaashu dhintaan waxaa quuta bakhti-ku-noollada iyo kala-bixiyayaasha, sidaa darteed kaarboonku wuxuu ku noqdaa ciidda ama wuxuu gelaa gibilka, isaga oo ah maxsuulka neefsashada bakteeriyada iyo fangiga.
meertada Kerb  (baay.) Qayb ka mid ah neefsashada unugyada, kaas oo asiidha bayruufig marka ay ogsajiin joogto, way marto meerto kakan oo falgal isnaym xukumo ah, una soo saarta tamar qaab ah ATP, iyo kuwo dhexe oo soo saara walxo kale, sida asiidh duxeed iyo amiino-asiidhyo. Meertada Kerb waxay ka dhacdaa mitokondoriyada.
meertammeerto  ld meermeerto.
meertaysad  ld meertaysasho.
meertaysasho  eeg meertayso. ld meertaysad, meertaysi.
meertaysi  ld meertaysasho.
meertayso  Si meerto ah wax u qaybsasho.
meerto  1. Si wareegto ah oo wax loo qaybsado; kaltan; miilo. 2. Meermeerto; mid². 3. M. ah: geel karreeb ah. 4. Marti muddo gaaban joogto.
meesha  goobta, halka.
meeshan  goobtan, halkan.
meesi  1. Duunyada la dhaqdo nooc ka mid ah. 2. Isku m.: isku fil; isku nooc. ld meesin.
meesin  ld meesi.
page : 1059 of 1584
<< < 1054 1055 1056 1057 1058 1059 1060 1061 1062 1063 1064 > >>

 

Exit mobile version