Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
qardoobid  eeg qardow².
qardood  eeg qardoo.
qardoofee  1. Cid dhaawac aan weynayn gaarsiin. 2. Cid hadal qadaf ah ku dhigid.
qardoofeyn  eeg qardoofee.
qardoofo  1. Dhaawac aan weyneyn. 2. Hadal qadaf ah.
qardow1  Murmurux ama jiirago'salka iyo cajirrada ka gaara qof aan fardafuul ahayn ama ka raagay, in mudda ah markuu gammaan ama rakuub fuushanaado. qardow2  Qof gammaan ama rakuub in muddo ah saarnaa cajirrada ka murxid ama jiira-go'id. qare  1. Geed dhulka ku faalala oo leh caleen balballaaran iyo miro waaweyn oo kankoonsan oo dhacaan macaan oo lagu oon baxo leh. 2. Miraha geedka qaraha.
qaredameer  ld qareduur.
qareduur  Qare aan la cunin oo duur ka baxa. ld qaredameer.
qaree  1. Qar u yeelid (weel). 2. ld qiree.
qareemid  eeg qareen².
qareen1  1. Dad dhalashadoodu isu dhowdahay; xigto. 2. Qof gar yaqaan ah oo dadka u dooda. qareen2  1. U q.: gar yaqaan cid u doodid. 2. U q.: cid u danaanin. qareennimo  1. Qareen ahaansho. 2. Qaraabo, sokeeye.
qareensasho  eeg qareenso.
qareenso  Cid xigto ka dhigasho.
qarfacad  (qaraafiic, m.dh) Kabo qori ka samaysan oo guriga lagu dhex joogo.
qarfad1  Q. ah: oogada nafleyda haraggeeda meel hawl ama cudur aawadii la adkaata oo jilif ama lakabyo fuulaan. ld carfad. qarfad2  Harag nafley, hawl ama cudur aawadii jilif ama lakabyo fuulid. qarfadid  eeg qarfad².
qarfo  ld qorfo.
qari  Wax meel aan laga arki karin gelin.
qariib1  Q. ah: qof meel uu dadkeeda aqoon jooga. qariib2  Nooc kalluunka ka mid ah. qariib3  U q.: wax helitankooda dhibaato iyo xakaar u marid. qariibi  Qof qariib ah dhoweyn.
qariibid1  1. Cunidda badar, sonkor iwm iyadoo aan la karin la cuno. 2. Q. ah: xoogaa badar, sonkor iwm ah oo aan la karin. qariibid2  eeg qariib³. qariibin  eeg qariibi. ld qariibis.
page : 1195 of 1584
<< < 1190 1191 1192 1193 1194 1195 1196 1197 1198 1199 1200 > >>

 

Exit mobile version