taftaafnaan eeg taftaafan. ld taftaafnaansho.
taftaafnaansho ld taftaafnaan.
tafwareemad ld tafwareemasho.
tafwareemasho eeg tafwareemo. ld tafwareemad, tafwareemid.
tafwareemid ld tafwareemasho.
tafwareemo 1. Xoolo la soo dhacay bar goosasho. 2. Col dhinac ka weerarid. ld tafwareen.
tafwareen ld tafwareemo.
tag1 1. Guur. 2. Nasiib. tag2 1. (f.g) Cid meel aadid. 2. (f.mg) Ka t.: wax dayn ama dhaafid. 3. (f.mg) Kala t.: cid wax kala baxsasho; kala bixid. 4. (f.mg) U t.: u imaansho; la kulmid; nin naag u galmoosho. 5. (f.mg) Ku t.: meel la tagayo gaadiid u raacid; wax la qaatay ka samrid. 6. (f.mg) Ula t.: arrin iwm cid la kaashad. 7. (f.mg) Uga t.: wax cid ku dhaafid. 8. (f.mg.) La t.: qaadasho; wadasho; kaxaysasho; raacid. tagaabee Cid taageerid.
tagaabeyn eeg tagaabee. ld tagaabo (2).
tagaabo 1. Kaalmo; waxtar; taageero; macaawino. 2. ld tagaabeyn.
tagagsi Nolol xun oo maceeshaddu ciriiri tahay. ld fagagsi.
tagfi Booddo.
tagoog Xubinta cududda iyo majinta u dhaxaysa. ld tagoogo.
tagoogo ld tagoog.
tagrifal1 ld tagrifalid. tagrifal2 Ku t.: wax aan la lahayn idan la'aan isticmaalid. tagrifalid eeg tagrifal². ld tagrifal¹.
tagsasho eeg tagso. ld tagsi.
tagsi 1. ld taksi. (-iyo, m.dh) Baabuur yar oo la kireysto. 2. ld tagsasho. Guur; tag.
tagso 1. Gabar guur dartiis ula bixid. 2. Ku t.: wax lunsasho.
tagto1 Waqti la soo dhaafay. tagto2 (nax.) Qaab faleed tilmaama ammin tagay. tahal Wax isku dayid.
tahan 1. Xoog. 2. Aan waxba lagala harin.
tahantoog1 1. Xisaab qaldan. 2. ld tahantoogid. tahantoog2 Xisaab qaldid; qiyaas qaldid. tahantoogid eeg tahantoog². ld tahan-toog¹ (2).
tahar 1. Hilib aan baruur iyo jiir midna lahayn oo adag. 2. Hilib weyd ah.
page : 13 of 60
<< < 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 > >>