Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: raquus
tolla'aan 1. Qaraabo la'aan. 2. Kaalmo la'aan.
tolla'ay Hayaay!, waawareey!, ciidamoow.
tolliimo 1. ld tolmo. 2. ld tolnimo.
tolmo Tolidda wax la tolo. ld tolliimo, tolniin.
tolnaan eeg tolan². ld tolnaansho.
tolnaansho ld tolnaan.
tolniin ld tolid; tolmo.
tolnimo Tol ahaansho. ld tolliimo.
tolo Laba wax oo kala go'an ama kala dillaacsan wax iskula qabsasho.
tolon ld tolan¹.
toloobid eeg tolow.
tolow Qof tolkisii ka carooday tol kale ku biirid.
tolweyne 1. Tol badan intiisa curaddada ah. 2. Qabiilka oo dhan. 3. Dad isku dan, diin, iyo mabda'ah; qaran.
toman ld toban.
too (1) kuwo, w 1. Magacuyaal aan cayinnayn oo dhaddig ah oo cid ama wax maqan tilmaama. 2. ld mid. Tus. “Roob iyo barwaaqo toona ma arag”.
Too (2) Mgacuyaal tilmaame oo dhaddig, oo wax qofka hadlaya aad uga fog oo farta la isugu fiiqayo lagu tilmaansado.
toob (1) Nooc ka mid ah cambuurrada dumarku qaataan.
toob (2) 1. Oogada, inta la saro, toobin dhiig kaga keenid. 2. Soo jiidid, soo uruurin; soo yarayn.
toobad U noqosho Ilaahay addeciddiisa loo noqdo. ld tawbad.
toobadkeen (1) 1. T. ah: qof toobadkeenaya. 2. ld toobadkeenid.
toobadkeen (2) Ilaah addeeciddiisa u noqosho.
toobadkeenid eeg toobadkeen². ld toobadkeen¹ (2).
toobadla'aan Ku sugnaanta lagu sugnaado cibaado la'aan.
toobalcaaro Wax cid laga soo ergado.
tooban Wax la toobay ahaansho.
toobboon Wax habbon ahaansho.
toobboonaan eeg toobboon. ld toobboonaansho.
toobboonaansho ld toobboonaan.
toobe Geed ka soo baxa jirrid dhulka hoostiisa ah, ka dibna bannaanka u soo baxa, isaga oo ka soo baxaya meel ka durugsan jirriddii hore. Waxa suurto gal ah inuu xidid la baxo oo uu geed goonniya noqdo.
toobid (1) Qalab gees lo'aad ka sameysan.
<< < 1441 1442 1443 1444 1445 1446 1447 1448 1449 1450 1451 > >>

 

Exit mobile version