jararaac (2) ld halraac².
jararaacid ld halraacid.
jararac Erey tilmaama wax la jeexayo.
jarasho eeg jaro.
jarayn eeg jaree.
jaraysad ld jaraysasho.
jaraysasho ld jaraysad, jaraysi.
jaraysi ld jaraysasho.
jarayso 1. (f.g) Faras ama rati jare gelin. 2. (f.mg) Jar cayaarid.
jarcayn eeg jarcee.
jarcee 1. (f.g) Xoolo cadho qaba jarco gelin. 2. (f.g) Aqal laama ku dedid. 3. (f.mg) Qabow, baqdin ama xummad la gariirid.
jarco Maqaar lo'aad ama geel oo guryaha lagu dhiso ama gogol ahaan loo isticmaalo.
jardiino Beer lagu nasto ama lagu raaxaysto oo aan miro la cuno lahayn.
jare 1. (-rayaal, m.l./dh) Xarig fardaha, lo'da iwm lagu qabto. 2. Shaxda marka hab dheelkeedu saddex isugu dhacdo. 3. ld jar 2. Hab fadhi ciyaareedka ka mid ah oo loo dheelo; daamad.
jaree 2 (-reeyay, -raysay) 1. (f.g) Xarig jare ah xoolo ku xirid. 2. (f.mg) Dheesha jarta ku adkaan. 3. (f.mg) Baqdin, naxdin ama xanuun la gariirid.
jareer (1) 1. Qof timo adag 2. Geed-gaab aan qodax lahayn oo qoryihiisu dhaqso u qoyin.
jareer (2) Timo adag.
jareexayn eeg jareexee.
jareexee Cay kaftan ah cid u jeedin.
jareexo 1. Dhaawac cid la gaarsiiyo. 2. Ceeb cid lagu sheego. 3. Cay cid loo gaysto.
jarid eeg jar³. ld jarriin.
jariidad Wargeys toddobaadle ama ka badan oo lagu soo bandhigo maqaallo waxyaalo kala duwan ka hadlaya iyo xayeysiis. ld jariido.
jariido ld jariidad.
jariimad ld jariimo.
jariimo Dembi weyn oo cid laga galo. ld jariimad.
jariir Badar la tumay inta aan budada ahayn ee yaryar. ld jiriir.
jarjar (1) 1. Lacag inta ka samaysan bir, maar, macdan iwm oo sarrifka ah. 2. Dad aan isku dhalasho ahayn oo la isu keenay. 3. Kalaankal.
jarjar (2) Wax mid ahaa qaybo u googoyn.
jarjaran (1) Wax mid ahaa oo qaybo loo googooyay noqosho.
jarjaran (2) Wax mid ahaa oo qaybo loo googooyay ahaansho.
<< < 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 > >>