Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: liifmid
gafuurtaagid  eeg gafuurtaag². ld gafuurtaag¹ (2).
gag  1. (sh.r) cod lagu muujiyo jug xoog leh. 2. G. ah: qof mintid ah oo gacan'adag.
gaggab1  1. Kufidda iyo miyirbeelidda uu dhaliyo nabar surka ku dhacay. 2. Xanuun surka culaysiya. 3. ld gaggabid. gaggab2  1. Nabar surka ku dhacay la miyir beelid. 2. Xanuun surka culaysiya dareemid. gaggabaysad  ld goggobeysasho.
gaggabaysasho  ld gobbobaysasho.
gaggabaysi  ld goggobaysasho.
gaggabayso  ld goggobayso.
gaggabi  Cid, nabar ay la miyir beesho surka kaga dhufasho.
gaggabid  eeg gaggab². ld gaggab¹ (3).
gaggabin  eeg gaggabi. ld gaggabis.
gaggabis  ld gaggabin.
gaggabo  Dawakhid.
gaggabo1  ld goggobo. gaggabsan  Wax la gaggabiyey ahaansho.
gaggabsanaan  eeg gaggabsan. ld gaggabsanaansho.
gaggabsanaansho  ld gaggabsanaan.
gahayr1  1. ld gaahiir 1. Miro aan bislaan, curdannimadiina dhaafay. 2. G. ah: gabar inannimmo ku weynaatay. 3. Wax aan jilicsanayn; adag. 4. ld gaahi. gahayr2  Geed gaab u eg dhafaruurta oo leh laamo dhuudhuuban oo aqallada lagu dhisto. gahayr3  1. Miro curdan dhaafid. 2. Qof doobnimo ku weynaansho. ld gahayrow. gahayrid  eeg gahayr³. ld gahayroobid.
gahayroobid  ld gahayrid.
gahayrow  Gahayr noqosho. ld gahayr.
gahnay  Xarig yaryar, xaskul ah oo rarada, dhambalaha iwm lagu sameeyo.
gal1  1. Meel godan oo biyo ku jiraan. 2. Warqad adag oo xaashiya lagu kaydiyo; fayl. gal2  1. Nuur dayaxa isku wareejiya. 2. Buqshad. 3. Shay wax lagu xafido (sida seef, billaawe iwm). gal3  (galay, gashay; geli) 1. (f.g) Wax dhexdi ama gudihii gaarid. 2. (f.g) Arrin, hawl iwm wax ka qabasho. 3. (f.mg) Ka g.:god muhiim ah qof uga hor marid (shax). 4. (f.mg) U g.: shisheey isu dhiibid. 5. (f.mg) U g.: cid maqan howl u qabasho. 6. (f.mg) U g.: cid meel ugu gabbasho. 7. (f.mg) Ku g.: Wax laga quustay heliddooda noqosho (baadi). gal-dayax  (c.fal.) Giraan ilays ah oo ku wareegsan dayaxa ama qorraxda marka qorraxda laga dhex arko wiriqaha daruur sare oo khafiif ah oo ku gudban sokadeeda.
galaabbax1  Socod badan oo meel horay iyo gadaal loogu socdo. ld galoobbax¹. galaabbax2  Meel horey iyo gadaal ugu noqnoqosho. ld galoobbax².
page : 21 of 102
<< < 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 > >>

 

Exit mobile version