Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: cawaarso
xanuunsanaansho ld xanuunsanaan.
xanuunsasho eeg xanuunso. ld xa-nuunsad.
xanuunso Qof jirasho.
xaq 1. Abbaar; daw; jid. 2. Wax maxkamad horteed ku caddaaday in qof lagu leeyahay. 3. Garsoor; caddaalad. 4. Run.
xaq-codbixinta (xuquuq codbixin, m.dh) (qaan.) Xaqa loo dhiibto codka, gaar ahaan marka ay dadku dooranayaan baar-lamaan.
xaqaanni Qof aan dadka u kala eexan oo cid kasta mariya waxa ay mudan tahay.
xaqaggaro ld xagaggaro.
xaqdarro Eex; caddaalad xumo.
xaqdhawr (1) Xishood iyo ixtiraam cid loo hayo.
xaqdhawr (2) Cid ixtiraamid.
xaqdhawrid eeg xaqdhawr².
xaqiiji Wax xaqiiq ka dhigid ama xaqiiqdooda u dhabbaggelid.
xaqiijin eeg xaqiiji.
xaqiiq Run; dhab. ld xaqiiqo.
xaqiiqato Nabar ka dhasha is xoqidda shafka iyo jeeniga neef geel ah oo caatir keena. ld xaquuqato.
xaqiiqo ld xaqiiq.
xaqiiqsad ld xaqiiqsasho.
xaqiiqsasho eeg xaqiiqso. ld xaqiiqsad.
xaqiiqso Wax xaqiiq-dooda helid ama raadin.
xaqir (1) Xaqa iyo sharafka wax leeyihiin oo aan la marin, loo diido; tixgelis la'aan; dulleyn; quursi; yasid. ld xaqiraad.
xaqir (2) Cid liidid ama yasid.
xaqiraad ld xaqir¹.
xaqiran Wax la xaqiray ahaansho.
xaqirid eeg xaqir².
xaqirnaan eeg xaqiran. ld xaqirnaansho.
xaqirnaansho ld xaqirnaan.
xaqsoor (1) Garsoor; caddaalad.
xaqsoor (2) Si caddaalad ah u garsoorid.
xaqsooran Wax la xaqsooray ahaansho.
xaqsoorid eeg xaqsoor².
<< < 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 > >>

 

Exit mobile version