Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: fitaaxsanaansho
balaqsanaansho ld balaqsanaan.
balaqsasho eeg balaqso. ld balaqso, balaqsi.
balaqsi ld balaqsasho.
balaqso Carrabka wax ku cabbid (eyga iwm).
balashi Diyaafad ama martiqaad weyn oo marti sharaf loo sameeyo.
balaslayn eeg balaslee.
balaslee Si aan degganeyn u socosho (haween).
balbal Cabsi la gariirid.
balbalayn eeg balbalee.
balbalee Wax, balbalo u yeelid.
balbalid eeg balbal.
balbalo 1. Meel dhisan oo kor ka dadan, dhinacyadana ka furan oo wax lagu iibsado. 2. Dhismo yar oo la harsado oo guriga hortiisa lagu dhiso. ld balanbalo.
baldaaq Xilliga beeraha laga goosto miraha oo ku beegan dhammaadka guga ama dayrta, oo xoolaha lagu daayo balka.
baldhoole Caws dhaadheer, caleemo adag leh oo xooluhu daaqaan raradana laga sameysto oo ka baxa meelaha biyo qabatinka leh.
balfi 1. Ul ama waran iwm oo la soo riday ama tumaati ah iska weecin. 2. Ilmo, biyo iwm diidid (xoolo). ld balaf².
balfid ld balfin.
balfin eeg balfi. ld balfid, balfis.
balfis ld balfin.
balki Halqabsi ahaan, tusaale ahaan, bilmesel.
ballaa Indha la'.
ballaar ld ballac.
ballaarad ld ballaarasho.
ballaaran 1. Wax ballac weyn leh ahaansho. 2. Wax waasac ah ahaansho (dhul, weel iwm).
ballaarasho eeg ballaaro. ld ballaarnaan.
ballaari 1. Wax, wax ballac leh ka dhigid. 2. Wax, wax waasac ah ka dhigid.
ballaarin (xis.) Isqaad joometiriyeed ee soo saara humaag ka weyn (ka yar haddii iskeelka la qaatay uu ka yaryahay 1). Haseyeeshe u eg, qaabka asalka ah (eeg isqaad). Sida kale waa weynayn iyo yareyn shaxan joometari.
ballaarin (1) eeg ballaari.
ballaarnaan eeg ballaaran. ld ballaarnaansho.
ballaarnaansho ld ballaarnaan.
ballaaro Wax ballaaran noqosho.
<< < 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 > >>

 

Exit mobile version