dadnaansho ld dednaan.
dadnimo Dad ahaansho.
dadoobid eeg dadow.
dadow Dad noqosho.
dadqaad D. ah: libaax ama waraabe halis ah oo hilibka dadka ku nool.
dadqaadnimo Dadqaad ahaansho.
dadqal Nin hilibka dadka cuna.
dadqalad Dadqalnimo.
dadqaladnimo ld dadqalnimo.
dadqalatanimo Dadqalato ahaansho.
dadqalato 1. Naag dadka qalata oo hilibkiisa cunta. 2. (m.u) Koox dad ah oo hilibka dadka cunta.
dadqalnimo Dadqal ahaansho. ld dadqaladnimo.
dadweyne Ummad inteeda la xukumo ee aan maamulka siyasiga wax ka hayn.
dadyahan Nafley dadka qalata oo hilibkiisa cunta.
daf1 (muus.)Durbaan yar oo shulushyo bir ah leh. daf2 Cod tilmaama socod ama dhawaaq kedis ah. daf3 Ka d.: wax si kedis ah u dhufsasho. dafaar Qof sabool ah.
dafac Cudur halis ah, sangoror leh oo fardaha ku dhaca. ld darfac, dirfac.
dafcad Koox dad oo hawl wada billaabay ama wada dhammeeyey.
dafdaf Fal aan deggenaan lahayn ee qof ku kaco.
dafdaflayn eeg dafdaflee.
dafdafle Qof dafdaf badan; meelo galgal badan.
dafdaflee Dafdaf samayn.
dafid eeg daf³.
dafir1 Diididda run la ogyahay. ld dafirid. dafir2 Run la ogyahay diidid. dafiraad ld dafirid.
dafirid eeg dafir². ld dafir¹, dafiraad.
dafo Nooc haadda hilib cunka ka mid ah, dheereysa oo si dhaqso leh bahallada yaryar ama hilibka u dhufsata; so'laduul; huunfey. ld dafto, dhifato, dhufato.
page : 29 of 218
<< < 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 > >>