Ereyga Maanta: wiriqlaawe
dawaaf (1) 1. Wareegga kacbada lagu sameeyo iyadoo waajibka xajka la gudanayo. 2. Socod badan oo warwareeg ku jiro. 3. ld dawaafid.
dawaaf (2) 1. Iyadoo waajibka xajka la gudanayo, kacbada wareeg ku samayn. 2. Socod badan oo warwareeg ku jiro samayn.
dawaafi Qof xajka gudanaya kacbada ku warwareejin. ld dawaafsii.
dawaafid eeg dawaaf². ld dawaaf¹ (3).
dawaafin eeg dawaafi. ld dawaafsiin.
dawaafsii ld dawaafi.
dawaafsiin ld dawaafin.
dawaali D. ...u: si toos ah, si aan gabbasho lahayn. Tus. “Waxaan doonayay dawaali ayuu u diiday”.
dawaansad ld dawaansasho.
dawaansasho eeg dawaanso. ld dawaansad, dawaansi, tawaansad, tawaansasho.
dawaansi ld dawaansasho.
dawaanso Cid wehel ka dhigasho. ld tawaanso.
dawaaqi Nooc shabaagta ka mid ah oo libaax badeedka lagu dabo.
dawaar 1. Wax wareega sida garangarta. 2. Makiinad dharka lagu tolo. 3. Duraanka dharka lagu tolo ama lagu fasilo.
dawaarad Abitey.
dawaarle Ninka dharka tola ama fasila. ld dawaarwale.
dawaaro Lo'yaryar, gaagaaban oo aan caano badnayn.
dawaarwale ld dawaarle.
dawac Dawacada keeda lab.
dawacamadow ld dacawamadow.
dawaco 1. Dugaag hilib ku noolka ka mid ah, eyga u eg kase yar oo ariga laaya. 2. Dawacada midkeeda dheddig. ld dacawo, dayo¹ (2).
dawakh (1) ld dawakhid.
dawakh (2) Madax wareer dartiis wax la kala garan waayid.
dawakhaad Madax wareer wax la kala garan waayo.
dawakhi Qof, madax wareer ku ridid. ld dawikhi.
dawakhid eeg dawakh². ld dawakh¹, dawikhid.
dawakhin eeg dawakhi. ld dawikhin.
dawakhsan Qof madax wareer hayo ahaansho.
dawakhsanaan eeg dawakhsan. ld dawakhsanaansho.
dawakhsanaansho ld dawakhsanaan.
<< < 331 332 333 334 335 336 337 338 339 340 341 > >>