Ereyga Maanta: dheg
qarafo Baryo meelo kala duwan lagu tago iyadoo cunto la raadsanayo.
qarafsasho eeg qarafso.
qarafso 1. Wax lagu noolaado sida miro iwm duur ka raadsasho. 2. Socosho.
qaramada Midoobay (taar.) Urur la sameeyey dagaalkii II ee adduunka kaddib, oo ay xubin ka yihiin waddamada adduunka oo dhan, loona dhisay iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga Caalamiga.
qaramee Qaran, hanti cidi leedahay la wareegid.
qarameyn eeg qaramee.
qaran 1. Dad ay ka dhexeyso qawaaniin iyo maamul siyaasadeed oo leh seere ama xad adduunyadu aqoonsan tahay iyo calan u gaar ah. 2. Usha balka galleyda ama meseggada.
qarandi Bahal duurjoog ah oo leh af dhuuban iyo gafuur dheer, dhego dhaadheer oo kuwa dameeraha u eg, lugo gaaggaaban oo xoogag badan, dhabar sida qaansada u xoodan iyo dabo sal weyn leh oo cuna aboorka, quraanyada iwm; xabaalaquf; saddexsuulley.
qaranful Miro yaryar, madmadow, dhuudhuuban oo madax kuuskuusan leh oo shaaha lagu udgiyo. ld qorofol, qoronful.
qarannimo Qaran ahaansho.
qaranqaar Bohol yar.
qaranqaaro 1. Malaxda iyo dhiigga ku guntama meel nabar ku dhacay. 2. Cayayaan yar, duula, dhurdaha u eg kase weyn oo sameeya malab.
qaraq (1) 1. Q. ah: wax aad u badan. 2. ld qaraqid.
qaraq (2) Biyo ku hafasho. ld qarqan.
qaraqan ld qaraq².
qaraqmid ld qarqid.
qarar (c.nafl.) Jeex jeex ku dhaca maqaarka gaar ahaan afka qarkiisa ama meelo kale oo dhaqaaq badan leh ee jirka. Jeex jeexyada ku yaal afka iyo sanka caruurta ku dhalata waraabowga waxay marka noqdaan qararyo.
qararab ld qararable.
qararabdheere ld qararable.
qararable Qaloon diireed oo aan la biifin. ld qararab, qararabdheere.
qararabsad ld qararamsasho.
qararabsasho ld qararamsasho.
qararabsi ld qararamsasho.
qararabso ld qararamso.
qararamsad ld qararamsasho.
qararamsasho eeg qararamso. ld qararabsad, qararabsasho, qararabsi, qararamsad.
qararamsi ld qararamsasho.
qararamso Wax adag ilko ku burbursasho. ld qararabso.
qararro Geed weyn oo aan qodxo lahayn oo leh sal weyn, laamo dhuudhuuban, miro la cuno iyo mayrax wanaagsan. ld qaranrro.
qaras 1. Wasakh midab cagaaran leh oo ku raagta caloosha oo ka dhalata cuntada qofka cuno. 2. Hadal badan oo xun.
<< < 30 31 32 33 34 35 36 37 38 39 40 > >>