Ereyga Maanta: darfooley
dhabow Dhab noqosho.
dhabqalallayn eeg dhabqalallee.
dhabqalallee Wax dhabqalallo ku sameyn.
dhabqalallo Dh. ah: qof maankiisa wax u dhimmanyihiin; dhaandhaan; sacsac; sawir.
dhabqi Cayaar, hees iwm dhabaq gelin. ld dhabji.
dhabqid eeg dhabaq².
dhabqin eeg dhabqi. ld dhabjin, dhabjis, dhabqis.
dhabqis ld dhabqin.
dhabro Cudur dhabarka xoolaha ku dhaca oo iin u yeela.
dhabuulaq (1) Raad dad oo isku noqnoqday.
dhabuulaq (2) Raad dad isku noqnoqasho.
dhabuuliqid eeg dhabuulaq².
dhabxanag Dahaarka jilicsan ee hoos kaga dheggan qalka sare ee afka. ld dhanxalag, dhanxanag, dhanxarag.
dhac (1) 1. Si xoog iyo sharcidarro ah oo hanti cid kale leedahay lagu qaato. 2. Dh. ah: hanti si xoog iyo sharcidarro ah lagu soo qaatay. 3. ld dhicid.
dhac (2) 1. (f.g) Hanti cid kale leedahay si xoog iyo sharcidarro ah ku qaadid. 2. (f.g) La dh.: ul, karbaash, gacan iwm wax ku garaacid. 3. (f.g) Dhurwaa habeen xero xoolo ku jiraan weerarid. Tus. “Dhurwaa baa xeradii u dhacay”. 4. (f.mg) Wax meel sare ka soo dillaamid. 5. (f.mg) Ku dh.: imtixaan ku gudbi waayid. 6. (f.mg) Qorrax, dayax iwm godgelid. 7. (f.mg) Wax waqti loogu talaggalay dhammaysasho. 8. (f.mg) Dabayl xoog u socosho. 9. (f.mg) Xabbad iwm qarxasho. 10. (f.mg) Wax culus oo aan la filayn soo kordhid. 11. (f.mg) La dh.: wax si aad ah ugu bogid. 12. (f.mg) Ku dh.: wax aan laga fiirsan falid. 13. (f.mg) Ku dh.: dhar iwm lebbisasho. 14. U dh.: si dhuumasho ah wax u boobid. 15. (f.mg) Biyo aan loo miyayn cabbid (xoolo).
dhacaamid eeg dhacaan³. ld dheecamid.
dhacaan (1) Hoore layiig ah oo ka yimaada nabar ama dhaawac gaaray oogada noole. ld dheecaan¹.
dhacaan (2) (baay.) Hab hawleed uu qanjir dhiigga ama dhacaanka soohyada wax kala soo baxo oo kaddib u beddel kiimikaad ku sameeyo si uu u soo saaro walax lagu isticmaali karo jirka dheexdiisa ama dibedda looga saarayo.
dhacaan (3) Oogada noole nabar ama dhaawac gaaray awgeed hoore layiig ah ka imaansho. ld dheecaan².
dhacaan-ganaceed (c.nafl.) Dhacaanka ka qayb qaata dheefshiidka oo laga sameeyo ganaca. Soo saarkeed waxa kiciya hormoonayaal laga soo daayo xiidmaha qayb ka mid ah (duwoodenam) oo ayagana ay kicisay taabasha cunnada caloosha ka soo dagtay.
dhacadiid (1) Si loo seexdo oo qofku dhabarka dhulka dhigo. ld dhacadiidid.
dhacadiid (2) Qof dhabar u seexasho. ld dhacdiid².
dhacadiidid eeg dacadiid². ld dhacadiid¹, dhacdiid¹, dhacdiidid.
dhacadiidsad ld dhacadiidsasho.
dhacadiidsasho eeg dhacadiidso. ld dhacadiidsad, dhacadiidsi, dhacdiidsad.
dhacadiidsi ld dhacadiidsasho.
dhacadiidso Dacdiid u seexasho. ld dhacdiidso.
dhacamaggal ld dhacmaggal.
dhacami ld dhacmi.
dhacamin ld dhacmin.
<< < 357 358 359 360 361 362 363 364 365 366 367 > >>