Ereyga Maanta: xuubka saynuufiyal
dhambacaadsi ld dhabbacasho.
dhambacaadso ld dhabbaco.
dhambal (1) 1. Dh. ah: galley hal mar makiinad lagu burburiyey. 2. ld dhambalid.
dhambal (2) 1. Raro. 2. Nooc aleesha ka mid ah oo inta la taxo dhiilasha iwm lagu qurxiyo. ld dhombol.
dhambal (3) 1. Wax si dherer ah u kala dillaacin. 2. Galley shiidid.
dhambalan (1) Wax la dhambalay noqosho.
dhambalan (2) Wax la dhambalay ahaansho.
dhambalasho eeg dhambalo.
dhambalid eeg dhambal³. ld dhambal¹ (2).
dhambalmid eeg dhambalan¹.
dhambalnaan eeg dhambalan². ld dhambalnaansho.
dhambalnaansho ld dhambalnaan.
dhambalo 1. (f.g) Wax si dherer ah u kala dillaacsasho. 2. (f.g) Galley hal mar ku shiidasho. 3. (f.mg) Ka dh.: maanso cid ka dheegasho.
dhamcaso Digirta geedka ku taal inta aysan bislaan.
dhamid eeg dhan². ld dhamis, dhamitaan.
dhamiijo Deris ku nool gasha waxaraha, weylaha iyo naylaha. ld dhibiijo.
dhamis ld dhamid.
dhamitaan ld dhamid.
dhammaad (1) Meesha ugu danbaysa; idlaad; ebyoonaan.
dhammaad (2) (nax.) Qeybta ugu dambaysa eray.
dhammaag (bot.) Geed gaab aan qodax lahayn, leh, laamo dhuudhuuban, caleemo yaryar iyo miro macaan oo la cuno, kana mid ah dhirta daawada leh.
dhammaajee ld dhamaajee.
dhammaajeyn ld dhamaajeyn.
dhammaajo ld dhamaajo.
dhammaan eeg dhan³. ld dham- maansho.
dhammaanjo Geed-gaab dhulka ku faalala xididkiisana laga dhigto cabagta lagu baalo gammuunka.
dhammaansho eeg dhammow. ld dhammaan.
dhammaas Qof aan feejignayn oo dareenkiisa garasho meel kale ku mashquulsanyahay.
dhammaasan Dhammaas ahaansho (qof).
dhammaasnaan eeg dhammaasan. ld dhammaasnaansho.
<< < 371 372 373 374 375 376 377 378 379 380 381 > >>