dharaarmaal (1) 1. Maalidda xoolaha maalin weyn la maalo. 2. D. ah: qof si tuugo ah xoolaha maalintii u maala. 3. ld dharaarmaalid.
dharaarmaal (2) 1. Xoolo maalin weyn lisid. 2. Xoolo si tuugannimo ah maalin u maalid.
dharaarmaalid eeg dharaarmaal². ld dharaarmaal¹ (3).
dharaarmaalnimo Dharaarmaal ahaansho.
dharaarnimo Maalinnimo.
dharaaro Waqti dharaar ah wax cunid.
dharaaroomanayn eeg dharaaroomanee.
dharaaroomane Dh. ah: xoolo aroor ah, ama dhaan oo aan weli ceelkii gaarin oo meel lagu nasiyo.
dharaaroomanee Xoolo aroor ah ama dhaan oo aan weli ceelkii gaarin meel ku nasin.
dharaarsad ld dharaarsasho.
dharaarsasho eeg dharaarso. ld dharaarsad, dharaarsi.
dharaarsi ld dharaarsasho.
dharaarso Subax meel in muddo ah ku daahid.
dharab (1) 1. Dhibco yaryar, biyo ah, ka dhasha qabowga habeenkii oo lagu arko cawska, dhirta iwm.; sayax; yaxni. 2. Rays aad u qoyan.
dharab (2) (fiis.) Qoyaanka ku dul dhaca habeenkii dhulka dushiisa, amase waxyaalaha kale oo dhulka ku yaal ama dul saaran, sida cawska iyo caleemaha, waxaa qabooba oo dhibco noqda oo soo daata uumiga ku jira gibilka hoose ee dhulka korkiisa.
dharab (3) 1. Dhiriqda lo'da. 2. ld dhereb.
dharab-barafeed (fiis.) Dahaar baraf siman ah, oo mararka qaarkood leh dhumuc door ah, kaas oo ku dul samaysma walxaha roobku kula da'ayo jawi heerkulkiisu uu ka hooseeyo barta barafowga. Dharab baraf waxa kale ee uu samaysmaa marka dabayl diiran oo qoyan ay ka dhacdo meel qabow daran ka jiro, taas oo keenta in qoyaankii dabayshu ay sidday uu ku dul fadhiisto waxyaabaha heerkulka dushoodu uu ka hooseeyo barta fadhiisiga.
dharabo Wax yar oo gasiin ah.
dharaboobid eeg dharabow².
dharabow (1) Cudur cagaha dadka ka gala oo u yeela barar iyo dildillaac oo ka dhasha dhiriqda iyo dhoobada.
dharabow (2) Wax cudurka dharabowgu cagaha uga dhacay noqosho.
dharabsad ld dharabsasho.
dharabsan Wax qoyaan yar gaaray ahaansho.
dharabsanaan eeg dharabsan. ld dharabsanaansho.
dharabsanaansho ld dharabsanaan.
dharabsasho eeg dharabso. ld dharabsad, dharabsi.
dharabsi ld dharabsasho.
dharabso Maro, saan iwm qoyaan yar ku shubasho.
dharan Neef ido ah wax madax cad ahaansho.
dharaq In yar oo caano ah oo neef la maalay ama la nuugay candhadiisa ku harta.
<< < 381 382 383 384 385 386 387 388 389 390 391 > >>