diinlaawe 1. Qof aan diin aaminsanayn. 2. Qof aan akhlaaq wanaagsan lahayn.
diinley Goggaaleysi.
diinli'i ld diinla'aan.
diinta Budhiismaha (dii.) Diinta ay dadka qaarkood aaminsanyihiin inay ku barayso sida aad isaga baabbi'in lahayd murugta, waxaana lagaga dhaqmaa Aasiyada bari, iyo Aasiyada dhexe.
diiq (1) 1. ld diig (-qaq, m.l) Digaagga kiisa lab. 2. Kalluun yaryar oo gudguduudan. 3. Ciriiri. 4. D. ah: si dhib leh.
diiq (2) 1. Cunto, dhar iwm aan badnayn oo loo geeyo ummul, aroos, qof jirran iwm. 2. Allabbari dad isu keenaan. ld diiqo.
diiq (3) 1. Wax sii yaraansho, sii liciifid. 2. U d.: cid dhibaataysan wax ugu deeqid.
diiqad Dareemidda la dareemo ciriiri ama farxad la'aan (qof).
diiqadayn eeg diiqadee.
diiqadee Cid, ciriiri ama farxad la'aan ku abuurid.
diiqalyayn ld diiqalyee.
diiqalyee Aayar socosho (biyo).
diiqalyeyn eeg diiqalyee. ld diiqalyo.
diiqalyo Biyo aayar soconaaya. ld diiqalyeyn.
diiqayn eeg diiqee.
diiqee 1. Diiqo bixin. 2. Wax daldalid.
diiqid eeg diiq³.
diiqlay (bot.) Geed-gaab leh dheecaan guduudan, laamo dhuudhuuban oo ka baxa dhulka jilicsan oo aan lahayn qodax.
diiqo ld diiq².
diiqoo Ku d.: ciriiri dareemid.
diiqood eeg diiqoo.
diiqyeer Arooryo hore.
diir (1) Kulayl, uumi.
diir (2) Dubka sare ee lafta geedka.
diir (3) ld diirdiir².
diir (4) ld digir².
diir (5) 1. Wax in yar kululaansho. 2. Qof, in yar xanaaqid.
diir (6) 1. Geed diir ka qaadid. 2. Wax qaawin.
diir-hoose (bot.) Botani ahaan, nudaha u dhexeeya dubka sare iyo habdhiska kalli ee jirridaha iyo xididdada geedka.
diirad (1) Aalad lagu kala garto jahooyinka, leh qaab sacadeed oo lagu hoggaamiyo maraakiibta.
<< < 448 449 450 451 452 453 454 455 456 457 458 > >>