Ereyga Maanta: siin
diqo 1. Yaqyaqsi. 2. Hilib la shiiday oo suugada lagu daro. 3. Meel dhiriq iyo wasakh badan.
diqoo Ka d.: wax yaqyaqsi leh aad u nicid.
diqoobid eeg diqow.
diqood eeg diqoo.
diqow (1) Isbeddelka dhadhanka iyo urta biyaha ku dhaca.
diqow (2) Diq noqosho (biyo).
diqsi ld duqsi, tixsi.
dir (1) Dad ama xoolo isku asal ah oo meel ka soo wada jeed; jaad; dhur.
dir (2) (baay.) Heer loo isticmaalo kala soocidda noolayaasha, taasi oo ka kooban hal ama in ka badan oo isku eg. Dirarka isu eg waxa loo kooxeeyaa faylan ahaan.
dir (3) (nax.) Waxaa lagu magacaabaa koox ereyo ah oo wadaaga hal ama dhawr dabeecadood, sida magacyada.
dir (4) 1. Wax meel joogay ama yiil meel kale aaddin. 2. Ku d.: qof, qof kale xumaan uga dheegid si uu ula colloobo.
diraac 1. Afaarta xilli oo sanadku u qaybsamo, mid ka mid ah oo u dhexeeya dayrta iyo guga; jilaal. 2. Xilli barwaaqo ah oo guga bartamihiisa ah.
diraacasho ld diraacsasho.
diraacgood Bisha toddobaad ee sannad qorraxeedka.
diraaco ld diraacso.
diraacsad ld diraacsasho.
diraacsasho eeg diraacso. ld diraacasho, diraacsad.
diraacso 1. Meel xilliga diraacda ku sugnaan. 2. Tamardarro, cunto yaraan ku noolaansho (xoolo). ld diraaco.
diraal 1. Dad meel loo diray oo la faray iney qabtaan hawl gaar ah. 2. Muhimad gaar ah oo diraal loo xilsaaray.
diraaso ld daraaso.
diraddiraale Qof aad isku dira oo dhexdooda fidna ka abuura. ld diraddiroole.
diraddirayn eeg diraddiree. ld diraddire, diraddiro.
diraddire ld diraddirayn.
diraddiree Dad wax isaga sheegid si ay u coloobaan.
diraddiro ld diraddire.
diraddiroole ld diraddiraale.
diran 1. Wax la diray ahaansho. 2. Qof waxgarad ah oo aan tilmaan u baahnayn. 3. Ku d.: wax aad u jecel oo in badan ka isticmaala ahaansho (qof).
dirayn (nax.) Curiyayaal loo kala saaro kooxkoox hadba sida ay isugu dhowyihiin naxwe ahaan.
dire Tirxi yar yar, saxarrada soo raaca, oo daba cun cun leh. ld diro.
direewal ld dareewal.
<< < 455 456 457 458 459 460 461 462 463 464 465 > >>