Ereyga Maanta: gurxan
eedoobid eeg eedow.
eedow Eed gelid.
eedqaad 1. E. ah: xumaan la falay eeddeeda qaadid. 2. ld eedqaadid.
eedqaadid Xumaan la falay eeddeeda qaadid. ld eedqaad (2), eedqaadis.
eedqaadis ld eedqaadid.
eedsasho eeg eedso.
eedsheegasho eeg eedsheego.
eedsheego Godob laga galay sheegasho.
eedsii Fal, arrin iwm ah oo cidi samaysay in ay natijijo xun kala kulanto gayeysiin.
eedsiin eeg eedsii. ld eedsiis.
eedsiis ld eedsiin.
eedso Fal, arrin iwm samayntooda natiijo xun kala kulmid.
eeg 1. eegga: waqtiga markaa la joogo; imminka, hadda. 2. eeggayga, eeggaga iwm: markayga, markaaga iwm.
eeg (1) 1. Meel laas u eg. 2. Meel la qoday oo biyuhu fariistaan.
eeg (2) 1. Qof ama wax indho ku hayn. Tus. “Beerta eeg”. 2. Soo ee.: booqasho ku tegid (meel). Tus. “Cali oo jiraan baan soo eegay”. 3. Ka ee.: halis ka ilaalin. Tus. “Carruurta dabka kaa eeg”. 4. Ku ee.: wax ku tijaabin. Tus. “Albaabka furaha ku eeg”. 5. Isu ee.: isbarbardhigid dad, waxyaabo, arrin iwm. Tus. “Labada qoraal isueeg”. 6. Iska ee.: wax, waxyeelladooda ka foojignaan.
eegi Meel sarreysa oo si fiican hareeraha looga arki karo.
eegid eeg eeg².
eegmo Daymo; fiiro.
eel Dhibaato aad u ballaaran.
eelo Deero.
eeraan 1. Socod ama orod badan. 2. Ee. ah: nooc geela ka mid ah oo dhaadheer.
eeraarin (bot.) Geed faalala oo leh xidido laga sameeyo xargaha adag sida dawliska iwm.
eerg (fiis.) Halbeegga C.G.S. ee tamarta. 1 eerg = 10 juul.
eeri Koob weyn oon dheg lahayn oo muqmadda lagu dhigo.
eeridhaban ld eridhaban.
eeriggo'an ld geeriggo'an.
eersad ld eersasho.
eersasho eeg eerso. ld eersad, eersi.
eersi ld eersasho.
eerso Dhibaato dhacday cid u aanayn. Tus. “Muraayadihii iga jabay Axmed baan u eersanayaa”.
<< < 493 494 495 496 497 498 499 500 501 502 503 > >>