Ereyga Maanta: giraan
caanaddiiq (2) Dad, caanaha xoolahooda suuq u iib geeyn.
caanaddiiqid eeg caanaddiiq². ld caanaddiiqis.
caanaddiiqis ld caanaddiiqid.
caanaggaleen Xididdada caanuhu maraan ee candhada xoolaha.
caanaggocato 1. Nooc ka mid ah cayayaanka oo u eg doorshaanka. 2. Cudur jirka dadka ku dhaca oo nabarro cuncun leh u yeela.
caanalahar Neef xoolaad oo ay adagtahay in caanaha laga dhammeeyo.
caanaley ld caanooley.
caanallul (1) Cayayaan yar oo sida doorshaanka qolof adag leh oo inta hadba istaaga, salka dhulka la dhacdhaca.
caanallul (2) ld caanolul; caanarrux, caanarruxato.
caanammaal Labada waqti ee xoolaha la maalo (fiid iyo subax middood).
caanammacays ld caanammaceeye.
caanammaceeye Geed maygaagga u eg oo lagu culo haamaha iyo dhiilaha iwm. ld caanammacays.
caanammiir Qalab caanaha lagu miiro.
caanannuug Ubad naasley oo aan weli naaska hooyadii ka go'in; naasnuug.
caanannuugnimo Caanannug ahaansho. ld caanonnuugnimo.
caanannuuji Caano nuujiin; caanosiin.
caanannuujin eeg caanannuuji.
caanaqub Naasley caws ku nool ah, qodxo dhaadheer oo mardimo caddaan iyo madow isku xiga dusha ku leh; kashiito; yaadaddo; dhiddo.
caanarrux ld caanallul².
caanarruxato ld caanallul².
caanateel (1) 1. ld caanaddiiq 1. 2.C. ah: xoolo lagu dhaqo meel u dhow tuulo ama magaalo si caanahooda loo suuqgeeyo. 3. C. ah: qof dhaqa xoolahaas. 3. ld caanateelid.
caanateel (2) Meel magaalo ama tuulo u dhow xoolo ku dhaqid si caanahooda loo suuq geysto. ld caanaddiiq².
caanateelid eeg caanateel². ld caanaddiiqid, caanateel¹ (3), caanateelis.
caanateelis ld caanateelid.
caanateelley ld caanaddiiq¹.
caanateyn ld caanteen.
caanaxaraarshe Nagaar xoolaha daaqa caanahooda kharaar noqdaan.
caanayn eeg caanee.
caanee Caano wax ku darid.
caaneeye Iniin meseggo ama galley inta aysan habuuq noqon.
<< < 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 > >>