Ereyga Maanta: tefiir
arwaaxsan Wax arwaaxay ahaansho (qof).
arwaaxsanaan eeg arwaaxsan. ld arwaaxsanaansho.
arwaaxsanaansho ld arwaxsanaan.
arxaan eeg arax.
arxamid eeg arxan¹.
arxan (1) ld arax (1).
arxan (2) 1. Waxtar weyn oo cid dhibaateysan loo geysto.2. Dad xigtanimo ka dhexeysa; ehel.
arxan (3) U a.: cid dhibaateysan waxtar weyn u gelid.
aryaa (aryaadha) ld waryaa.
aryaadha eeg aryaa.
asaabboon Wax aan dembi ama xumaan samayn ahaansho (qof).
asaabboonaan eeg asaabboon. ld asaabboonaansho.
asaabboonaansho ld asaabboonaan.
asaag Dadka inta isku da'da ah ama isku darajada ah; fac.
asaagsad ld asaagsasho.
asaagsasho eeg asaagso. ld asaagsad, asaagsi.
asaagsi ld asaagsasho.
asaagso Qof, qof kale oo ka heer sarreeya wax la darajo ah iska dhigid.
asaas (1) 1. Bilowga wax la samaynayo ama la dhisayo; sal. 2. Marka dhagaxa, ama bulkeetiga, iyo wixi la mid ah dhulka lagu aaso si ay u xajiyaan ama u taageeraan dhismaha derbiga. 3. Wax walxaha taageera ama xejiya ama mid ay ku aasaasmeen.
asaas (2) Wax cusub oo la sameynayo bilaabid. ld aasaas².
asaasan (1) Wax asaasan noqosho. Tus. “Dhismihii dugsiga cusub weli ma asaasmin”. ld aasaasan¹.
asaasan (2) Wax la asaasay ahaansho. ld aasaasan².
asaasi A. ah: wax cusub oo bilow ah; wax saldhig ah. ld aasaasi.
asaasid eeg asaas². ld aasaasid.
asaasmid eeg asaasan¹. ld aasaasmid.
asaasnaan eeg asaasan². ld aasaansnaan, aasaasnaansho, asaasnaansho.
asaasnaansho ld asaasnaan.
asaay Dhar midab cad ama madow leh oo afadu qaadato marka ninkeedu dhinto; weer. ld asay.
asaaye Ciqaab ka dhasha waxyeello horey la isu gaarsiiyey; godob. ld asaayo.
asaayo ld asaaye.
<< < 57 58 59 60 61 62 63 64 65 66 67 > >>