hambalyee Cid hambalyo u jeedin.
hambalyo Hadal xambaarsan shucuur farxad leh oo loo jeediyo cid heshay ama soo hoyisay wax lagu farxo.
hambaraac Qof hunguri xun oo meelaha raqdu taal aan laga waayin. ld hamboraac.
hambasho eeg hambo. ld hambad.
hambayn eeg hambee.
hambee Cunto la cunayo qaar reebid.
hambo (1) Cunto la cunay inta weelka lagu reebo.
hambo (2) Xantoobo cunto ah af ku shubasho.
hamboorri (1) Riixdin; jug; garabgal.
hamboorri (2) 1. Wax hore u tuurid. 2. Wax ku walaahoobid.
hamboorriyid eeg hamboorri².
hamboraac Qof hunguri xun oo meelaha raqdu taal aan laga waayin. ld hambaraac.
hameen ld habeen.
hamham 1 Hadal hoos loo yiri oo aan si fiican loo maqlayn. 2. Hadal aan micno lahayn. ld xamxam.
hamhamlee Hadal hamham ah dhihid. ld xamxamlee.
hamhamleyn eeg hamhamlee. ld xamxamleyn.
hamir ld himir.
hammada (juqr.) Nooc ka mid ah lamaddegaanka, gaar ahaan Saxarada woqooyi Afrika. Lamaddegaanka h., dhulka dushiisu sida badan waxay ka kooban tahay dhadhaab qaawan, oo dabayshu ay ka qaadday bataaxda iyo boorka.
hammajebis ld qalbijebin.
hammi (1) 1. Murugo iyo walaac ka dhasha arrin murugsan. 2. Niyad, laab. ld qammi.
hammi (2) 1. Murugo iyo walaac la kulmid. 2. Ku h.: wax had iyo jeer ku fekerid.
hammin ld hammiyid.
hammisan Wax walaac iyo murugo hayso ahaansho.
hammisii Cid hammi ku beerid.
hammisiin eeg hammisii.
hammisnaan eeg hammisan. ld hammisnaansho.
hammisnaansho ld hammisnaan.
hammiyid eeg hammi². ld hammin.
hammuude Geed yar oo dhulka ku faalala oo miro la cuno dhala. ld hammuudo.
hammuudo Nagaar dhulka ku faalala oo dhala miro yar yar, dhanaan oo la cuno. ld hammuude.
<< < 699 700 701 702 703 704 705 706 707 708 709 > >>