Ereyga Maanta: birimbirqo
haydka aayoonaynta (fiis.) Tamarta loo baahan yahay si atomka gaaska (uumiga) looga saaro elegtroon.
haydroograafi (juqr.) Maaddada la xiriirta barashada biyaha ee dunida dusheeda ah, gaar ahaan marka la fiirinayo muuqaallada dabiiciga ah, rugaha, mugga, iwm.
haye Waa tahay; hawraarsan; hallayeelo. ld hayeh.
hayeeshaale Qof wax kasta oo loola yimaaddo aan hadal ka keenin.
hayeeshee Saas ay tahay; laakiin. ld ha'ahaatee, hase ahaatee, haseyeeshee, yeel(4).
hayimi Wax layliyid; dabcin.
hayimin eeg hayimi.
hayin 1. Rati la rarto oo aan buubaal ahayn. 2. H. ah: hayiminta.
hayinnimo Hayin ahaansho.
hayjad H. ah: meel cidla ah oo aan degaan u dhaweyn.
hayl Iniino qolof ku dahaaranyahay, oo cuntada, shaaha, iwm lagu udgiyo. ld heyl.
hayl (1) 1. Summad xoolaha loo yeelo iyadoo dhegta in yar hoos loo jeexayo. 2. Mirraaq yar oo maro dacalkeeda laga jeexay. ld haylaan².
hayl (2) 1. Neef summad hayl ah u yeelid. 2. Wax si dherer ah u dillaacin. ld haylaamee, haylyaamee.
haylaamayn ld haylid.
haylaamee ld hayl².
haylaamid eeg haylaan³. ld haylaan¹ (2).
haylaan (1) 1. Shuban aan la celin karin. 2. ld haylaamid.
haylaan (2) 1. ld hayl¹. 2. Faraqyada maryaha.
haylaan (3) Wax shuban isku habeediyey noqosho.
haylan Wax hayl lagu suntay ahaansho.
haylid eeg hayl². ld haylaamayn, haylyaamayn.
haylnaan eeg haylan. ld haylnaansho.
haylnaansho ld haylnaan.
haylyaamayn ld haylid.
haylyaamee ld hayl².
hayn (1) Geed abaareed aan qodax lahayn; dalluug.
hayn (2) eeg hay. ld hays².
hayn-darro (daaw.) Soo dhaafid aan la ogeyn ee kaadida ama saxarada.
hayoomiso ld hayaamiso (2).
hayraf (1) Qubashada uu dhiig ka qubto meel la saray.
<< < 721 722 723 724 725 726 727 728 729 730 731 > >>