Ereyga Maanta: wiifid
hilbeyso 1. Neef qalasho. 2. Nafley naaxid.
hile Xarig aan dheereyn oo xababka lagu raro marka la dhaansho.
hilib Jiirta iyo baruurta ka baxda oogada nafleyda.
hilib-ure Hilib ku yaal sarcanyaha iyo kilkilooyinka xoolaha.
hilibcinjir Dhiig fariistay dhaawac awgiis.
hilibcune (c.nafl.) Xayawaan quuta cunto ka timid xayawaan. Hilib cunayaashul waxay leeyihiin ilko fiiqfiiqan oo si fiican u jar jari kara hilibka. Tusaale: libaaxa.
hilibdalqe Hilib yar oo dhuuban oo dalqada korkeeda ka soo laallaada. ld hilibdalqo.
hilibdalqo ld hilibdalqe.
hilible 1. Qof hilibka ka ganacsada; kawaanle. 2. Kawaan.
hiliblee Hilib ka ganacsasho.
hilibleyn eeg hiliblee.
hilibsafan Dildillaac cirbaha dadka yeeshaan. ld safan.
hilibtahan Qof hilibka aad u cuno. ld hilibyahan.
hilibyahan ld hilibtahan.
hilid eeg hil².
hilif 1. Cad yar oo maro, derin, raar iwm oo duug ah. 2. Ruux bar yar.
hilin Waddo ay samaysay cagta dadka ama xoolaha.
hillaab ld hullaabid.
hillaabad ld hullaabasho.
hillaabasho ld hullaabasho.
hillaabid ld hullaabid.
hillaabo ld hullaabo.
hillaac (1) Iftiin xoog leh oo daruuraha isku dhaca ay bixiyaan waqtiga roobka.
hillaac (2) Daruuro isku dhacay iftiin bixin.
hillaacid eeg hillaac².
hillow ld hullow.
hilmaamid ld halmaamid.
hilmaan (1) ld halmaamid.
hilmaan (2) ld halmaan².
hilmaansii ld halmaansii.
<< < 733 734 735 736 737 738 739 740 741 742 743 > >>