Ereyga Maanta: liifmid
horudhigid Saacad iwm hore gayn.
horujeed 1. Qof wax hareerihiisa ka socda aan la socon. 2. Arday quraankii weli wada oo aan naqtiin gaarin. 3. Qof daacadnimo badan.
horukac Horumar la gaaro.
horukicid 1. Samaynta horukac la sameeyo. 2. ld horukac.
horummar ld hormar¹.
horummarin 1. Gaarsiinta cid horumar la gaarsiiyo. 2. Lacag yar oo cid loo qaddimo.
horummarsan Cid horukac gaartay ahaansho.
horummarsanaan eeg horummarsan. ld horummarsanaansho.
horummarsanaansho ld horummar-sanaan.
horusocod (siyaa.) Qofkii haysta fikrad horusocod, oo jecel isbeddel in uu dhaliyo.
horusocodnimo Horusocod ahaansho.
horutibyee ld horatibyee.
horutibyeyn ld horatibyeyn.
horutibyo ld horatibyo.
horutubyee ld horatibyee.
horutubyeyn ld horatibyeyn.
horutubyo ld horatibyo.
horweyn 1. Geel guran oo badan oo aan cidaha la joogin ee meel kale lagu hayo. 2. Geel badan.
horyaal 1. Madax; horfiiq. 2. Cidda koobka ciyaarta ku guulaysato. 3. (-llo, mdh.) Xakabadda ceelasha kan ugu weyn oo ugu hooseeya.
horyaale (nax.) Curiye aan doorsoomin oo hawshiisu tahay in layeele dadban uu qabadsiiyo falka weerta. Tus. “Safiya baa salligaas ku tukatay”.
horyaalnimo Horyaal ahaansho.
horyerid Hoore layiig ah oo ku jira gudaha, ka soo horreeya marka ilmaha naasleydu dhalanayaan.
hoteel Aqal dadka socotada ahi kiraystaan.
hoy (1) (hooyo m.l) Meel la deggan yahay oo dad ku noolyahay; guri.
hoy (2) ld hoo³.
hoyaad (1) 1. Xilliga xoolaha iyo dadkuba ku soo uruuraan hoygooda (fiidkii). 2. H. ah: nafley u socota meeshii ay ku hoyan lahayd. 3. Raashin ay cidi habeen cunto.
hoyaad (2) Xoolo dad iwm hoyaadid.
hoyaadi Xoolo, dad iwm waqti galab ah hoy u kaxayn.
hoyaadid eeg hoyaad².
hoyaadin eeg hoyaadi.
<< < 753 754 755 756 757 758 759 760 761 762 763 > >>