gool (1) 1. Ciyaarta godadowga afar xabbadood oo isku god ku jira. 2. Awr buuran. 3. Waraaqaha maraakiibta iyo dayaaradaha ay u adeegsadaan safarra- dooda.
gool (3) 1. Libaax dheddig. 2. Neef dheddig oo buuran. 3. Neef dheddig oo rimay la'aan ku weynaaday.
goolboodo Naag kibir iyo dagaal badan.
goolhaye Ciyaartoy goolka kubbadda ka ilaaliya. ld goolwale.
goolibbaar (1) ld goonnibbaar¹.
goolibbaar (2) ld goonnibbaar².
goolibbaarid ld goonnibbaarid.
goollawaraabe Bahalhiglo.
gooloobid eeg goolow.
goolow Gool noqosho.
goolwale ld goolhaye.
goombaar Naag aan karti ay aqalkeeda ku maamusho lahayn; basari; baali.
goomman ld goommoon.
goommanaan ld goommoonaan.
goommanaansho ld goommoonaan.
goomme Nooc doofaarka ka mid ah oo aan ilka waaweyn lahayn.
goommoon Wax gaajo, harraad iyo daal oogadiisa ka muuqda ahaansho. ld golmoon, goomman.
goommoonaan eeg goommoon. ld golmoonaan, goolmoonaansho, goom-manaan.
goomoonaansho ld goommoonaan.
goon (1) 1. Bari yar, miraha galleyda le'eg; qolof khafiif leh, la cuno, oo dhulka laga qoto. 2. (-ooman, m.l) Dhafoor. 3. (-nyo, m.l) Dhinac.
goon (2) (c.nafl.) Dalool, kiish ama qanjir dhacaan soo sara, sida daloolka ugxaanleyda.
goon (3) Buuro dhagax ah oo badaha dhexdooda iyo xeebaha ku yaal; shacaab.
gooni (1) 1. g: ah: meel gaar ah. 2. (fk) Wax keligii ah. ld goonni.
gooni (2) Ka g.: wax badhiisa ka duwan ahaansho.
gooni-u-goosasho (siyaa.) Ka goosasho koox, ama gobol uu ka goosto kooxdii ka weynayd ama waddan marka la kala qeybiyo sidii hore uu ahaa, ama uu ka go'a koox.
gooniddaaq G. ah: neef xoolo ah ama ugaar oo kelidiis gaar u daaqa.
goonjab Xanuun dhafoorka aad u xanuujiya. ld goonjebshe.
goonjebshe ld goonjab.
goonni ld gooni.
goonnibbaar (1) Wax toogashada lagu barto. ld goolobbaar¹.
<< < 74 75 76 77 78 79 80 81 82 83 84 > >>