dhaarsanaan eeg dhaarsan. ld dhaarsanaansho.
dhaarsanaansho ld dhaarsanaan.
dhaarsasho eeg dhaarso. ld dhaarsad.
dhaarshil Dheef yar oo aan waxtar weyn lahayn oo lagu eedoobo.
dhaarso Qof dhaar marsasho.
dhaaryid eeg dhaari². ld dhaarin.
dhaashad eeg dhaasho. ld dhaashi.
dhaashi 1. Dufan ama labeen udug leh oo oogada la marsado. 2. ld dhaashasho.
dhaasho Dhaashi marcasho.
dhaaw (1) 1. Habaar; Inkaar. 2. Daaweynta Jin, dabayl iwm cid laga daweeyo. 3. ld dhaawid. ld dhaw¹.
dhaaw (2) 1. Cid habaarid. 2. Cid Jin, dabayl iwm ka daaweyn. 3. ld dhaw².
dhaawac (1) Nabar xanuun leh oo oogada ku dhaca.
dhaawac (2) (daaw.) Kala go'a qaab dhiska xubin ama sooh oo ay keento dhibaato dibedda ugu timid.
dhaawac (3) Nafley nabar xanuun leh gaarsiin.
dhaawacan (1) Wax dhaawac gaarey noqosho.
dhaawacan (2) Wax dhaawac gaarey ahaansho.
dhaawacmid eeg dhaawacan¹.
dhaawacnaan eeg dhaawacan². ld dhaawacnaansho.
dhaawacnaansho ld dhaawacnaan.
dhaawan Wax la dhaaway ahaansho. ld dhawan.
dhaawanaan eeg dhaawan. ld dhaawanaansho, dhawanaan, dhawanaansho.
dhaawanaansho ld dhaawanaan.
dhaawasho eeg dhaawo. ld dhawasho.
dhaawicid eeg dhaawac².
dhaawid eeg dhaaw². ld dhaaw¹, dhaawis, dhaw¹, dhawid, dhawis.
dhaawis ld dhaawid.
dhaawo 1. Cid in dhibaato ku dhacdo u Alla tuugid. 2. Cid Jin, dabayl iwm ka dabiibasho. ld dhawo.
dhaaxa Inta badan, marar, badan, badanaa, aalaa. Tus. “Dh. buu ku sugay”. ld dhaaxaa.
dhaaxaa ld dhaaxa.
dhaay ld dhay².
<< < 75 76 77 78 79 80 81 82 83 84 85 > >>