dhacaamid eeg dhacaan³. ld dheecamid.
dhacaan (1) Hoore layiig ah oo ka yimaada nabar ama dhaawac gaaray oogada noole. ld dheecaan¹.
dhacaan (2) (baay.) Hab hawleed uu qanjir dhiigga ama dhacaanka soohyada wax kala soo baxo oo kaddib u beddel kiimikaad ku sameeyo si uu u soo saaro walax lagu isticmaali karo jirka dheexdiisa ama dibedda looga saarayo.
dhacaan (3) Oogada noole nabar ama dhaawac gaaray awgeed hoore layiig ah ka imaansho. ld dheecaan².
dhacaan-ganaceed (c.nafl.) Dhacaanka ka qayb qaata dheefshiidka oo laga sameeyo ganaca. Soo saarkeed waxa kiciya hormoonayaal laga soo daayo xiidmaha qayb ka mid ah (duwoodenam) oo ayagana ay kicisay taabasha cunnada caloosha ka soo dagtay.
dhacadiid (1) Si loo seexdo oo qofku dhabarka dhulka dhigo. ld dhacadiidid.
dhacadiid (2) Qof dhabar u seexasho. ld dhacdiid².
dhacadiidid eeg dacadiid². ld dhacadiid¹, dhacdiid¹, dhacdiidid.
dhacadiidsad ld dhacadiidsasho.
dhacadiidsasho eeg dhacadiidso. ld dhacadiidsad, dhacadiidsi, dhacdiidsad.
dhacadiidsi ld dhacadiidsasho.
dhacadiidso Dacdiid u seexasho. ld dhacdiidso.
dhacamaggal ld dhacmaggal.
dhacami ld dhacmi.
dhacamin ld dhacmin.
dhacamis ld dhacmin.
dhacan (1) Ood weyn oo xeryaha afka laga saaro; oodafo; jiitin; oodrogo; buuxsin.
dhacan (2) La dhacay; xoolihii laga qaaday.
dhacan (3) Qof la dhacay ahaansho.
dhacar 1. Cagaar soo baxa waqtiga jiilaalka ah. 2. Dhirta dhulka oomanaha ah ka baxda oo biyaha badan, oo xoolaha daaqayaan oomin. 3. Xoolaha, oo dhirta jaadkaas ah, la daajiyo.
dhacarad ld dhacarasho.
dhacarasho eeg dhacaro. ld dhacarad, dhacarsad, dhacarsasho, dhacarsi.
dhacarato Dadka xoolohooda geeya oo ku dhaqa dhulka dhacarta leh oo oomanaha ah. ld dhacarsato.
dhacari Xoolo meel dhacar leh soofin.
dhacarin eeg dhacari. ld dhacaris.
dhacaris ld dhacarin.
dhacaro Dhul oomane ah oo dhacar leh, xoolo ku hayn oo ku dhaqaalayn; dhaqar daaqid. ld dhacarso.
dhacarsad ld dhacarasho.
dhacarsasho ld dhacarasho.
dhacarsato ld dhacarato.
<< < 81 82 83 84 85 86 87 88 89 90 91 > >>