Ereyga Maanta: xilqaan
kaadar Qof loo diyaariyey maamul ama hoggaan siyaasadeed. ld kaadir.
kaaddhal Marcurad.
kaaddhalnimo Kaaddhal ahaansho.
kaadi U k.: hawl, arrin iwm oo la fulin lahaa in yar dib u dhigid.
kaadi (1) Dareere kelyuhu dhiigga ka soo miiraan oo isugu soo urura kaadihaysta kana soo gudba dhuunta kaadimareenka.
kaadi (2) (baay.) Dareere biyo ah oo ay sameeyaan organnada qashinsaarka ee xayawaanku, si ay ugu saaraan qashinka ka soo hadha dheefsashada. Xayawaanka sare, kaadida waxa soo saara kelyaha, waxa lagu keydiyaa kaadi haysta, waxaana laga qashinsaaraa kaadimareenka ama koloykaha. Marka laga reebo biyaha, waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay kaadidu ka koobantahay waxa ka mid ah: maxsuulka dheefsashada naytroojiin oo ah yuuriyo, amuuniya, asiidha yuurik iyo kiritaniin iyo ayoonno aan orgaanik ahayn.
kaadi (3) Kaadi sii deyn.
kaadi dhiigow Kaadida oo dhiig soo raaco.
kaadi-ku-ceshoomid (daaw.) Kaadida oo soo bixi weyda oo ku ceshoonta kaadi haysta.
kaadi-taran Organ wada qaba habdhisyada taranka iyo kaadi mareenka.
kaadi-yaro (daaw.) Sameynta kaadida oo si aan caadi ahayn u yaraata.
kaadibadshe (daaw.) Daawo badisa kaadida ayadoo biyo iyo cusbooyin ka soo deyneysa kelyaha.
kaadicaso 1. Cudur lo'da ku dhaca oo shilintu keento midabka kaadiduna guduud ka dhiga. 2. Cudur kelyaha dadka ku dhaca oo kaadida caseeya.
kaadidhiig (1) Cudur dadka ku dhaca oo laga qaado biyaha wasakhda ah ee fadhiya, kaadidana dhiig ka dhiga.
kaadidhiig (2) (daaw.) Cudur dalalka cimilada kulul laga helo oo uu keeno deris-ku-noolka “bilharzia”. Ukumaha deris ku noolka oo soo raaca saxarada ama kaadida qofka qaba cudurka, waxay ku koraan bocoolaha ku jira biyaha macaan kuwaaso u sii daaya biyaha deris-ku-nool yaryar ah oo ka galaya jirka qofka ku mayranaya biyahaas. Astaamaha: kaadida oo dhiig soo raaca.
kaadigubasho (daaw.) Xanuun iyo kaadida oo lagu dhibtoodo, waxa badanaa keena holac kaadihays ama holac kaadimaren. ld kaadiqabad.
kaadihays Xuub adag oo kaadidu ku keydsanto inta aaney ka iman nafleyda.
kaadimacaan (daaw.) Cudur ay keento shaqo xumo ku dhacda ganaca, kaas oo soo saara insooliin. Insuliinta jidhka ku yaraatana waxay sababtaa sonkorta oo dhiigga ku badata, ka dibna loo qashinsaaro kaadi ahaan. ld kaadimma-caan.
kaadimareen (1) Dhuunta kaadidu marto.
kaadimareen (2) (c.nafl.) Tuyuub laga helo naasleyda, kaas oo ka soo qaada kaadida kaadihaysta oo bannaanka uga saara jidhka. Ragga, kaadi mareenku wuxuu dhex maraa guska, waxaana uu ku dhex xidhan yahay xawo mareenka, sidaa darteed waxa kale oo uu u shaqeeyaa marin xawaduna marto.
kaadimmacaan ld kaadimacaan.
kaadin ld kaadiyid.
kaadin (1) eeg kaadi.
kaadiqabad Cudur dadka iyo xoolahaba ku dhaca oo kaadida ku xira. ld kaadi-qabsasho.
kaadir ld kaadar.
kaadiraac K. ah: dhicis yar oo aan cad iyo laf yeelan ee xinjir ah.
kaadiraaci Dhicis aan cad iyo laf toona laheyn dhicin.
kaadiraacin eeg kaadiraaci. ld kaadiraacis.
kaadiraacis ld kaadiraacin.
kaadish Kaadiyid.
<< < 861 862 863 864 865 866 867 868 869 870 871 > >>