Ereyga Maanta: qawle
kawaanley Wadar kawaanle.
kawaano Neef xoola ah ganacsi ahaan qalasho.
kawaawe Qalabka beeraha nooc ka mid ah oo ka kooban bir af ballaaran iyo daab qori ah.
kawaawee Beer kawaawe ku simid.
kawaaweyn eeg kawaawee. ld kawaaweys.
kawaaweys ld kawaaweyn.
kawaaweysan Wax kawaawe lagu simay ahaansho (beer).
kawaaweysanaan eeg kawaaweysan. ld kawaaweysnansho.
kawaaweysnaansho ld kawaaweys-naan.
kawaweer (1) ld kabawaarid.
kawaweer (2) ld kaba-waar².
kawaweerid ld kabawaarid.
kawaweeris ld kabawaarid.
kawaweero ld kabawaarid.
kawdiid (1) ld kuududid.
kawdiid (2) ld kuudud².
kawdiidi ld kuududi.
kawdiidid ld kuududid.
kawdiidin ld kuududin.
kawir (1) 1. Burcad udgoon oo haweenku madaxa ku carafsadaan; hab gaar ah oo dumarku timaha u furtaan oo u gambaystaan. 2. Meel u weecashada dooni ama markab.
kawir (2) Doonni ama markab meel u leexin.
kawirasho eeg kawiro.
kawirid eeg kawir².
kawiro Haweeney kawir marsasho ama habka kawirka u firasho.
kawkab (1) Dhibaatada ka raacda xoolo aad u oomman biyo badan cabidda. ld kawkabid.
kawkab (2) Xoolo aad u harraadan ama u gaajeysan biyo badan oo ay cabbeen ku wareerid.
kawkabid eeg kawkab². ld kawkab¹.
kawl (1) ld shawl¹; shawlid.
kawl (2) Hilib dufan ku shiilid. ld shawl².
kawlid eeg kawl². ld shawlid.
<< < 892 893 894 895 896 897 898 899 900 901 902 > >>