Ereyga Maanta: jalaalaqayn
nadiyee Wax nadi ama karbaash la dhicid.
nadooc (1) Loodsanka ku dhaca ul, rabar iwm.
nadooc (2) (nax.) Habdhac sarfeed oo hawshiisu tahay in salka (falka ama magaca iwm) la raaciyo kabayaal ama dhammaadyo muujinaya tirada, caynta iyo qofka.
nadooc (3) Ul, rabar iwm loodsan ku dhicid.
nadooci Wax sida laan qoyan, ul, rabadh iwm loodin.
nadoocin eeg nadooci.
nadoocsan Wax la nadoociyay ahaansho.
nadoocsanaan eeg nadocsan. ld nadoocsanaansho.
nadoocsanaansho eeg nadoocsanow. ld nadoocsanaan.
nadoocsanow Wax la loodiyay noqosho. ld nadoocsanaan.
naduur Waabka birtumuhu fariisto oo birta ku farsameeyo.
nadwad 1. Uumi-biyood. 2. Qabow qoyaan leh oo habeenkii soo dhaco; dhado.
naf 1. ld ruux. Waxa nafleyda ku jira oo aan la arkin, lana taaban karin, la'aanteedna aan la noolaan karin. 2. N. ah: wax dhimasho u dhow. 3. N. ma leh: qiimo ama waxtar yari.
nafac ld nacfi.
nafaqadarro (1) Nafaqaxumo.
nafaqadarro (2) (daaw.) Xaalad cudureed oo ay keento cunno aan isu miisaanneyn, qofku waxa uu cuno iyo waxa jirkiisu u baahanyahay.
nafaqaxumo Yaraanta wax la quuto ay dheeftu ku yartahay.
nafaqayn eeg nafaqee.
nafaqaysasho eeg nafaqayso.
nafaqayso 1. Wax nafaqo ka dhigasho. 2. Wax masruufasho.
nafaqee Wax nafaqo siin.
nafaqo (1) 1. Cunnada nafley cunto inta nuxurka leh; dux. 2. Cunto; masaruuf.
nafaqo (2) (daaw.) Barashada cunnada iyo xiriirka ay la leedahay hawlaha dabiiciga ah ee jirka oo ku xiran qaadashada cunnada ee jirka: kormitaanka, tamar ameynta, dib u sameynta soohyada jirka iwm cilmiga nafaqada waa barashada cunnooyinka iyo cudurrada ka yimaada yaraantood.
nafar 1. Hal qof. 2. Cunto bisil oo hal qof deeqda.
nafbax (1) Dhimashada ay nafley dhimato.
nafbax (2) Nafley dhimasho.
nafbixid eeg nafbax².
nafci ld nacfi¹.
nafhur (1) ld nafhurid.
nafhur (2) U n.: Qof ama wax dartii naf u hurid.
<< < 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 > >>