dharrooc (1) Baqdin weyn oo qofku la jareeyo.
dharrooc (2) Baqdin weyn darteed la jareyn.
dharroocid eeg dharrooc².
dharruur Wax si taxaddar leh u shubid.
dharruurid eeg dharruur².
dharsamayn eeg dharsamee. ld dharsamays.
dharsamays ld dharsamayn.
dharsamee Dhar ama maro samayn.
dharsameeye Qof ka shaaqaya warshadaha dharka; dunmiiqe.
dharsid eeg dharas².
dhartol Dawaarle, harqaanle. ld dhartole.
dhartole ld dhartol.
dharxirasho eeg dharxiro.
dharxiro Habka dharka u lebbisasho.
dhas Ayax, ukun dhul ku aasid.
dhase Nooc dixiriga ka mid ah, ka dhasha meelaha ay wasakhda ku ururto oo xoolaha iyo dadkaba jirkooda gala.
dhasheeg (1) Biyakuhar; balli; laas.
dhasheeg (2) (juqr.) Dhulhoosaad fidsan oo had iyo goor wabax ah (ama aha sida biyo fadhiisiga, mar mar sidaa ah), waxana badanaa aad uga baxa deegaan, wuxuu marka u dhexeeyaa deegaan-biyood iyo biyo-fadhiisi.
dhashiimid ld dhaniimid.
dhashiin (1) ld dhaniin¹.
dhashiin (2) ld dhaniin².
dhashiinto ld dhaniinto.
dhasho Sabiisha inteeda muuqata.
dhashuumid eeg dhashuun². ld dhashuun¹ (2).
dhashuun (1) 1. Dhacaan adag oo meel bugta ka yimaada; malax, milil. 2. ld dhashuumid.
dhashuun (2) Meel bugta dhacaan adag ka imaansho.
dhasid eeg dhas.
dhasiig (1) 1. Dhega-adayg. 2. ld dhasiigid ld dhansiig¹.
dhasiig (2) Wax ka dhega-adaygid. ld dhansiig².
dhasiigid eeg dhasiig². ld dhansiig¹, dhansiigid, dhasiig¹ (2).
<< < 108 109 110 111 112 113 114 115 116 117 118 > >>