Ereyga Maanta: walaahow
qambaruursanaansho ld qambaruursanaan.
qambaruursasho eeg qambaruurso.
qambaruurso Qof tiiraanyeysan hoos u ooyid.
qamboob (1) (qamboob, m.dh) Geed yar oo dhulka ku faalala bixiya miro kulkulucsan oo gas leh oo inta la dubo la cuno. ld qalfoon (2).
qamboob (2) Miro cagaaran oo dusha ku leh qodaxyo oo inta la dubo la cuno.
qamiic (1) Saluugmo yar.
qamiic (2) Ka q.: wax saluugid.
qamiicid eeg qamiic².
qamiicsan Ka q.: qof wax saluugsan ahaansho.
qamiicsanaan eeg qamiicsan. ld qamiicsanaansho.
qamiicsanaansho ld qamiicsanaan.
qamiir (1) ld khamiir¹.
qamiir (2) ld khamiir².
qamiiri ld khamiiri.
qamiirid ld khamiirid.
qamiirin ld khamiirin.
qamiirsan ld khamiirsan.
qamiirsanaan ld khamiirsanaan.
qamiirsanaansho ld khamiirsanaan.
qamiirsasho ld khamiirsasho.
qamiirsi ld khamiirsi.
qamiirso ld khamiirso.
qamir (1) Q. ah: badar yar oo ceeriin ah.
qamir (2) Badar ceeriin ku cunid (qof).
qamirid eeg qamir².
qamis (1) Laab hoggaanka ka mid ah oo ratiga gafuurka loo geliyo si loo hoggaamiyo.
qamis (2) Rati xarig gafuurka u gelin si hoggaamintiisu u fududaato.
qamisan Wax qamis gafuurka loo geliyay ahaansho.
qamisasho eeg qamiso.
qamisid eeg qamis².
<< < 1179 1180 1181 1182 1183 1184 1185 1186 1187 1188 1189 > >>