Ereyga Maanta: tartabo
wakhti ld waqti.
waki Nafley dhutin.
wakiil Qof si sharci ah u maamula hawlo cid kale leedahay.
wakiil boqor (siyaa.) Qofka wax u xukuma sida boqorka.
wakiilasho eeg wakiilo.
wakiilnimo Wakiil ahaansho.
wakiilo Cid kale wakiil ka dhigasho.
wakin eeg waki. wal s. 1. Nin w.ba: nin kastaba. 2. W.ba: kasta. ld walba.
walaabi Naag si sharci darro ah loogu galmoodo ama jirkeeda iibsata; dhillo.
walaac (1) Iahawareer; isla-hadal; walwal.
walaac (2) 1. Laba arrin kala doorashadood ku fikirid. 2. Dhibaato yar xal degdeg ah u waayid.
walaacid eeg walac².
walaacsan Wax walaac hayo ahaansho.
walaacsanaan eeg walaacsan. ld walaacsanaansho.
walaacsanaansho ld walaacsanaan.
walaahow (1) Jahawareer; walaac.
walaahow (2) Wax aan laga maarmin waxna aan tarayn dareemid.
walaakiin ld laakiin.
walaal (1) Wiil waxa uu u yahay wiil ama gabar ay wada dhasheen.
walaal (2) Gabar waxa ay u tahay gabar ama wiil ay wada dhasheen.
walaalayn eeg walaalee.
walaalee Walaalo ka dhigid (cid).
walaalnimo Walaal ahaan. ld walaaltinnimo, walaaltooyo.
walaaloobid eeg walaalow.
walaalow Walaalo noqosho.
walaaltinnimo ld walaalnimo.
walaaltooyo ld walaalnimo.
walaaq (1) ld walaaqid.
walaaq (2) 1. Wax la rabo in ay isdhexgalaan qasid. 2. Meel deggan qas ka kicin.
walaaqan Wax la walaaqay ahaansho.
<< < 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 > >>