salooto 1. Qolka fadhiga. 2. Qalabka lagu fariisto ee qolka fadhiga la dhigo.
salow (1) 1. Wax aasaas leh noqosho. 2. Wax la xaqiijiyey noqosho.
salow (2) ld salaw².
salsal (1) Hees awrta loogu heeso.
salsal (2) U s.: awr u heesid.
salsalid eeg salasal².
saluug (1) Qawadidda qof wax la siiyey ka qawado.
saluug (2) Qof wax la siiyey ka qawadid.
saluugid eeg saluug². ld saluugmo.
saluugmo Qawadidda wax laga qawado. ld saluugud.
saluugsan Cid wax la siiyey ka qawadday ahaansho.
saluugsanaan eeg saluugsan. ld saluugsanaansho.
saluugsanaansho ld saluugsanaan.
salwi Nafley salaw ku ridid.
salwid eeg salaw².
salwin eeg salwi.
salwo Nooc cayaarihii hore ka mid ah (batar).
salxaale (xis.) Shaxan adke ah oo ku soohdimaysan dulo (wejiyo) leh qaab geesoole. Barta ah halka ay iska gooyaan saddex ama wax ka badan oo dulo (wejiyo) ah oo ku yaalla salxaale waxa la yiraahdaa gees, xarriiqda ah halka ay iska gooyan labada wejinna waxa lagu magacaabaa geftin. Salxaalaha simman dhammaan wejiyada waa geesoole simman oo isku sargo'an.
salxanyo ld salxo.
salxo Wejiga korkiisa, labada meelood oo kor u jiidan oo aan timaha lahayn ee foodda labadeeda dhinac ku taal. ld salxanyo.
samaacad Qalab tamarta danab u beddesha tamar jabaq. Waa qaybta ugu dambeysa ee inoo fududeysa maqalka wararka idaacadaha, telefoonnada iwm. Samaacaddu waxaay qabataa shaqo lid ku ah ta maykarafoonku qabto, waxana ay awood u leedahay in baahinta codka kordhiso, gaarsiisana meelo fog. eeg maykarafoon.
samaan (1) ld sabaan.
samaan (2) eeg san². ld samaansho, sami, samo¹.
samaansho eeg samow. ld samaan².
samaanyo (Waayadii hore) xoolo wiilka dhasha laga bixiyo oo la siiyo dad gaar ah (yibir, caadaqaate).
samad Suun dun ka samaysan, ballaaran oo haweenku dhexda ku xirtaan.
samaddoon Nin beel madax u ah.
samadiid Qof xumokatalis ah.
samadiidnimo Samadiid ahaansho.
samafal (1) Wanaag iyo taageero cid loo sameeyo.
<< < 1303 1304 1305 1306 1307 1308 1309 1310 1311 1312 1313 > >>