Ereyga Maanta: cashrin
dhexrooran Laba cad oo maro ah wax dhexroor loo yeelay ahaansho.
dhexroorid eeg dhexroor4. ld dhexroor¹ (4).
dhexroornaan eeg dhexrooran. ld dhexroornaansho.
dhexroornaansho ld dhexrooran.
dhexsaar Ka dh.: wax, wax kale oo uu ku dhex jirey ka bixin.
dhexsaarid eeg dhexsaar².
dhexsoco Laba wax (ama laba melood ama laba qof) dhexdood marid.
dhexsocod eeg dhexsoco. ld dhexsocosho.
dhexsocosho ld dhexsocod.
dhexsocoto 1. Hadal yar ama tix yar oo soo noqnoqota oo maansada qaybo loogu kala qaybiyo. 2. Dad dadka hadalka u kala qaada ama dawlad u adeega oo warka u geeya; jaasuus. 3. Dad si joogto ah, laba meelood isaga safra.
dhexsooc Ka dh.: wax, wax kale oo uu ku dhex jirey ka mirid.
dhexsoocid eeg dhexsooc.
dhextaal Tix yar, soo noqnoqota oo maansada qaybo u kala qaybisa. ld dhextaallo.
dhextaallo ld dhextaal.
dheyel (1) ld dhayal¹.
dheyel (2) ld dhayal².
dheyelid ld dhayalid.
dheyelsasho ld dhayalsasho.
dheyelso ld dhayalso.
dheyrdheer Shabaq siriqyo badan leh oo sagaarada lagu dabo.
dhib (1) 1. Arrin ama hawl adag; hawl aan qabashadeedu fududayn; wax lagu daalo; shiddo. 2. (fk) Si rafaad ah; si qaxar ah. ld dhibaato.
dhib (2) 1. Daawo xoolaha shilinta iyo candhada looga daweeyo. 2. (-bab, m.l) Hog dhisan, dawo laga buuxiya oo xoolaha looga kunbiyo candhada, shilinta iwm.
dhib (3) Nafley raaxo la'aan badid.
dhibaad 1. Hanti ay siiso cidi gabadhooda oo wax u soo doonatay. 2. Caado, xayl. ld dhiibaaji.
dhibaadi Haweeney dhibaad siin. ld dhibaadsii.
dhibaadin eeg dhibaadi. ld dhibaadsiin.
dhibaadsii ld dhibaadi.
dhibaadsiin ld dhibaadin.
dhibaaji ld dhibaad.
dhibaatayn eeg dhibaatee.
<< < 127 128 129 130 131 132 133 134 135 136 137 > >>