Ereyga Maanta: karaari
dhibtoo Dhib la kulmid (qof).
dhibtood eeg dhibtoo.
dhicdhicid ld dhacdhicid.
dhici 1. (f.g) Wax la dhacay badbaadin. 2. (f.g) Ilmo dhicis ah dhalid. 3. (f.mg) Ka dh.: cid wax ka daaficid.
dhicid (1) eeg dhac². ld dhicis², dhicitaan.
dhicid (2) Xero-ka-bixidda uu neef geel ahi xerada ka baxo.
dhicin (1) eeg dhici. ld dhicis¹ (2).
dhicin (2) (daaw.) Ka soo dhicid ama ka soo saariid minka ilmo aan sadkooda dhammeysan, (dadka) muddada u dhexeysa bacriminta iyo 24ka asbuuc ee hore.
dhicis (1) 1. Ilmo dhashay iyagoon bilahoodii dhammaysan. 2. ld dhicin¹.
dhicis (2) ld dhicid¹.
dhicisnimo Dhicis ahaansho.
dhicisoobid eeg dhicisow.
dhicisow 1. Dhicis noqosho. 2. Wax fashilmid.
dhicitaan ld dhicid.
dhidar 1. Weer. 2. Jaad libaax badeedka ka mid ah. ld dhider.
dhidban Wax si aad ah dhulka loogu adkeeyey ahaansho.
dhidbanaan eeg dhidban. ld dhidbanaansho.
dhidbanaansho ld dhidbanaan.
dhidbid eeg dhidib³. ld dhidib¹ (3).
dhiddig ld dheddig.
dhiddigee ld dheddigee.
dhiddigeyn ld dheddigeyn.
dhiddignimo ld dheddignimo.
dhiddigood ld dheddigood.
dhiddin ld dheddin.
dhiddo Caanaqub; kashiito.
dhider ld dhidar.
dhidhiin Dhasha ariga mid ka mid ah oo dhicis ah ee aan weyn noqonin.
dhidhin Buur bacaad ah.
dhidib (1) 1. Qori dheer, xooggan, af fiiqan leh oo godadka aqal soomaaliga lagu qodo. 2. Qori yar oo godka dabinka gees laga geliyo oo lagu celiyo fitiligta. 3. ld dhidbid.
<< < 130 131 132 133 134 135 136 137 138 139 140 > >>