Ereyga Maanta: raadgan
beytimmaali Hanti baylah ka dhigid. ld baytimmaali.
beytimmaalid eeg beytimmaal². ld baytammaalid, baytimmaalid, beytummaalid.
beytimmaalin eeg beytimmaali. ld baytimmaalin, baytimmaalis, beytimmaalis.
beytimmaalis ld beytimmaalin.
beytulxaraam Masjidka barakeysan ee masaajaddada Islaanka ugu weyn oo Maka ku yaal.
beytummaal (1) ld beytimmaal¹.
beytummaal (2) ld beytimmaal².
beytummaalid ld beytimmaalid.
bi'i 1. Hoog iyo dhibaato gaarsiin; hoojin, beleyn. 2. Hawl, arrin iwm. si gurracan u fulin. 3. “Ka bi'i”: wax meel ku yaal ka tirid; baabi'i..
bi'id eeg ba'². ld ba'id.
bi'in eeg bi'i. ld bi'is.
bi'is ld bi'in.
biciid Jaad ugaarta waaweyn ka mid ah, leh midab dacar ah, geeso dhaadheer oo toosan, bogcad iyo labo diillimood oo madow oo dhinacyada ku yaal.
bicir ld dubayo.
biciriir Eegitaan aan indhaha dhab loo kala qaadin iyadoo muruqyadooda la adkaynayo kolka aragtidoodu yartahay ama if xoog badani ka hor yimaado.
biciriirsad ld biciriirsasho.
biciriirsasho eeg biciriirso. ld biciriirsad, biciriirsi.
biciriirsi ld biciirsasho.
biciriirso Indhaha oo aan dhab loo kala qaadin oo muruqyadooda la adkaynayo wax ku eegid.
bid 1. (f.g) Wax dan moodid. 2. (f.g) Cid wax ku tuhmid. 3. (f.mg) Wax dabayl raacid..
bidaa'i Bilow ah; aasaasi ah.
bidaal Male aan hubaal ku dhisnayn.
bidaar (1) Nin ay timaha bidaar ka gashay. ld bidaarle, bidaarre.
bidaar (2) Iin madaxa ragga gasha oo timaha hoosha ama wax yar ku reebta.
bidaarhoraad Bidaarta gasha madaxa intiisa hore.
bidaarle ld bidaar¹.
bidaarloobid eeg bidaarlow. ld bidaarroobid.
bidaarlow Wax bidaar ghashay noqosho. ld bidaarrow.
bidaarre ld bidaar¹.
bidaarroobid ld bidaarloobid.
<< < 135 136 137 138 139 140 141 142 143 144 145 > >>