tuulimaad-badeed (jool.) Tuulimadyada la dhigo meelaha bad weynnada ama harooyinka guntooda badweynnada ugu hooseeya,waxyaabaha la tuulay asalkoodi waxay ka yimaadeen haraayaal yaryar oo ka haray noole hore ugu oolaan jiray qaybtaa badda ama harada ee uu ka dhacay tuulimaadku.
tuulimaad-mool (jool.) Maatarka adag ee daboola gebiska gobolka ugu hooseeya ee badda.
tuulnaan ld tuurnaan.
tuulnaansho ld tuurnaan.
tuulo Magaalo yar oo meel miyi ah ku taal.
tuumi Wax meel ku uruurin.
tuumin eeg tuumi. ld tuumis.
tuumis ld tuumin.
tuunsamid eeg tuunsan¹.
tuunsan (1) Alaab wax meel la isugu uruuriyey noqosho.
tuunsan (2) Wax meel ku uruuray noqosho.
tuunsanaan eeg tuunsan². ld tuunsanaansho.
tuunsanaansho ld tuunsanaan.
tuunsasho eeg tuunso. ld tuunsi.
tuunsi ld tuunsasho.
tuunso Wax meel ku uruursasho.
tuuqsad ld tuuqsasho.
tuuqsasho eeg tuuqso. ld tuuqsad, tuuqsi.
tuuqsi ld tuuqsasho.
tuuqso Si gaar ah bad u taabasho (ciyaar turub).
tuur 1. (f.g) Wax gacanta ku gamid. 2. (f.mg) Ka t.: sharaab dhaqso u cabbid.
tuur (1) 1. Timaha madaxa oo inta la daayo in yar kor u dheeraada. 2. Wax meel ta tuuray qaabkiisa. ld tuul¹.
tuur (2) 1. Kurus. 2. Dadka gasarku ku dhaco, qaabka dhabarkoodu yeesho.
tuur (3) Wax meel tubid. ld tuul².
tuuran Wax gacanta lagu gamay ahaansho.
tuuran (1) Wax meel la tuuray ahaansho. ld tuulan.
tuurasho eeg tuuro.
tuurbarbaar ld tuurfaahis.
tuurfaahis Nooc ka mid ah cawska rarada laga sameeyo. ld tuurbarbaar.
tuurid eeg tuur. ld tuuris, tuurniin.
<< < 1454 1455 1456 1457 1458 1459 1460 1461 1462 1463 1464 > >>