diid (1) Wareer lala dhaco tamardarro awgeed.
diid (2) Tamardarro awgeed la dhicid (qof).
diiddan Codsi, amar, siismo iwm wax ku gacan sayray ahaansho.
diiddanaan eeg diiddan. ld diiddanaansho.
diiddanaansho ld diiddanaan.
diiddo Ku gacan sayridda lagu gacan sayro codsi, amar, siismo iwm.
diiddooy Neef irmaan oo aan oggolayn in la liso (geel).
diiddow D. ah: neef irmaan oo aan oggolayn in la liso (lo').
diidid eeg diid. ld diidis, diidmo.
diidid (1) eeg diid².
diidid (2) (daaw.) Suuxid muddo gaaban oo ay keentay dhiigga maskaxda taga oo yaraaday.
diidis ld diidid.
diidmo ld diidid.
diidsan Wax tamardarro awgeed la dhacay ahaansho (qof).
diidsan (1) Qof diiddan ahaansho.
diidsanaan eeg diidsan. ld diidsa- naansho.
diidsanaan (1) eeg diidsan. ld diidsa-naansho.
diidsanaansho ld diidsanaan.
diidsii Cid wax nacsiin.
diidsiin eeg diidsii.
diif Tamardarro, jiil, daal iwm oo jirka ka muuqda.
diif (1) Biyaha iyo qoyaanka kale oo sanka ka yimaada, durey ama hargab dartiis; siin. ld duuf¹ (2).
diifayn eeg diifee.
diifaysan Wax diifi hayso ahaansho (nafley).
diifaysnaan eeg diifaysan. ld diifaysnaansho.
diifaysnaansho ld diifaysnaan.
diifee Cid diif badid.
diifsasho eeg diifso. ld diifsad, duufsad, duufsasho, duufsi.
diifso Diif iska tirid (qof). ld duufso.
diig ld diiq¹.
<< < 169 170 171 172 173 174 175 176 177 178 179 > >>