Ereyga Maanta: xaadi
caabbin (3) (taar.) Iska caabbin cadow ama weerar dagaal, ficil ay dadku ku qaadaan si ay u helaan xornimo, ama iskacelin weerar.
caabbiri Jaadadka doonyada shiraaca leh midda ugu yar oo qaadi karta toddobaatan ilaa afar boqol jawaan.
caabbis ld caabbiyid.
caabbiye (fiis.) Qayb ka mid ah qalab danabeed oo leh caabbi, laguna doortey isticmaalkeed astaantaas awgeed.
caabbiyid eeg caabbi(2). ld caabbi(1), caabbin, caabbis.
caabid (1) Caabid ah: qof muslin ah oo diinta sida ay tahay ugu dhaqma. ld caabud(1).
caabid (2) Ilaah u tukasho ama ka cabsasho. ld caabud(2).
caabidid eeg caabid². ld caabudid.
caabidnimo Caabid ahaansho. ld caabudnimo.
caabud (1) ld caabid¹.
caabud (2) ld caabid².
caabudid ld caabidid.
caabudnimo ld caabidnimo.
caabuq (1) 1. Hurgumidda meel dhaawac ah; fasas. 2. C. ah: nafley xoog lahayd oo jirro, nafaqo darro awgeed la tabar darreysay. ld caabaq¹.
caabuq (2) (daaw.) Halaamacoodka caloosha iyo mindhicirka sida badan waxa keena fiirus ama baktiiriya ama cunno sumow; wuxuuna keenaa matag iyo shuban.
caabuq (3) 1. Meel dhaawac ah hurgumid. 2. Nafley tabar darreyn jirro, nafaqo darro iwm awgeed.
caabuqid eeg caabuq³. ld caabaqid.
caabuqtire (baay.) Walax laga helo noolayaasha yaryar gaar ahaan mooldiska, kuwaas oo baabi'iya ama joojiya koritaan noolayaal kale oo ilima-aragtay ah gaar ahaan bakteeriyada iyo fangiga cudurrada faafiya. Caabuq- tirayaasha caanka ah waxa ka mid ah: beenasaliin, istarabtumaysiin iyo tetrasay-kalin.
caac Nafley, roob badan dhaxan leh ku qarqarid.
caaci Ugaar dabin loo dhigay dhankiisa u eryid iyadoo qaylo iyo sawaxan la samaynayo.
caacid eeg caac.
caacin eeg caaci.
caad (1) 1. Xayaabo daruur ah oo meel sare ka muuqata.
caad (2) Xuub cad oo isha qaybteeda madow fuula oo aragga yareeya.
caad (3) 1. Meel dhagax ballaaran oo siman leh oo ciid ku hareereysantahay oo biyaha celisa. 2. C.daas joog/c.daas mar: wax buux ah (weel); qof fiican.
caadaqaatannimo Caadaqaate ahaan-sho.
caadaqaate 1. Qof samaanyaha qaata. 2. Qof hunguri xun.
caadaysad ld caadaysasho.
caadaysasho eeg caadayso. ld caadaysad, caadaysi.
caadaysi ld caadaysasho.
<< < 178 179 180 181 182 183 184 185 186 187 188 > >>